4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo go'aamisay in codadkii doorashadii 4-tii March dib loo tirintooda (SAWIRRO)
39313_10151177735177609_1023627760_n.jpg

Isniin, March 25, 2013 (HOL) - Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa maantay ka fariisatay go'aan ka gaarista murankii ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday 4-tii bishii March ee lasoo dhaafay.

Waxaana natiijadii doorashada ka biyo diiday musharraxa isbahaysiga Cord Raila Odinga oo sheegay in meelaha qaar lagu shubtay doorashada.

Maxkamada ayaa la geeyay dacwadaha doorashada iyadoo maanta go'aan laga soo saaray, kaasoo uu akhriyay madaxa cadaalada dalka Kenya Willie Mutunga.

Waxaana go'aan lagu gaaray in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 22 xarumood, kuwaasoo ay cabashadeeda soo gudbiyeen Isbahaysiga Cord ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

Gudiga doorashada ayaa iyaguna geeyay maxkamada codsi ay ku dalbanayaan in meesha laga saaro dacwadaha Raila Odinga, iyagoo sheegay in eedaymahiisu aysan ahayn kuwo ku salaysan xaqiiqada.

Uhuru Kenyatta oo ah ku guulaystay doorashadii dhacday iyo Raila Odinga oo ah musharrixii soo labeeyay xagga codadka ayaa labaduba sheegay inay ku qanci doonaan go'aanka ay maxkamada sare ka gaarto dacwadaha doorashada.

Isqabqabsiga dhanka sharciga ah ayaa dib u dhigay xafladii lagu dhaarin lahaa madaxweynaha cusub ee la doortay Uhuru Kenyatta oo lagu waday inay qabsoonto 26-ka bishan.

401249_10151177743192609_551442169_n.jpg
401314_10151177739327609_940789479_n.jpg
7214_10151177741597609_182348231_n.jpg

Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya