12/21/2014
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Agaasime KMG ah u Magacaabay Nabad-sugidda Qaranka una Dhoofay Dalka Qatar


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Kaddib markii uu agaasimihii hay’adda nabadsugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi uu ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay maanta ayaa waxaa madaxweynuhu uu goor dhow agaasime KMG ah u magacaabay haya’adda, kaasoo magaciisa uu kusoo gaabiyay Cabdikariin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isla maanta u dhoofay dalka Qatar oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda dalalka Carabta ayaa sheegay in howlaha hay’addu aysan wax hakad ah ku imaan doonin, wuxuuna xusay inuu ogolaaday iscasilaaddi uu u soo gudbiyay agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka.

“Howsha hay’addu way sii soconaysaa, waxaana ku boorrinayaa mas’uulkan cusub ee xilka haynaya inta laga magacaabay mas’uulka cusun ee howshan sida toosha ah u wadi doona,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Fiqi ayaa sheegay inuu xilkan isaga casilay si iskiis ah oo aysan jirin cid ku cadaadisay, basle uu go’aansaday inuu howlo kale u bedesho, maadama uu xilkan soo hayay muddo laba sano ku dhow.

Hay’adda nabadsugiddda ayaa waxay tahay hay’adda ugu weyn ee amniga Muqdisho uu ku tiirsan yahay, iyadoo hay’addan ay inta badan ka hortagto falalka ammaan-darro ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa qarax lala beegsaday taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ere inkastoo uu ka badbaaday, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacabka iyo askar.

Tallaabada uu madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay agaasimaah KMG ah ee hay’adda ayaa u muuqata mid uu kaga jawaabay go’aanka agaasimihii hore ee hay’adda, iyadoo dhawaanna la bedelay taliyaha iyo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/25/2013 2:39 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guute, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in sharciga la marinayo saddex askari oo loo qabtay dilka wiil dhalinyaro ah oo dhowaan lagu dilay magaaladda Hargeysa.

3/25/2013 1:25 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Arday wax ku baranaysay dugsi ood ka sameysan oo ku yaalla deegaanka Manaas ayaa la fasaxay kaddib markii roobab mahiigaan ah ay waxyeello u geysteen dugsigooda, waxana ay ka cawdeen macallimiinta gusigaas inaysan helin kaalmooyin ay dugsiga ku dhisaan.

3/25/2013 12:42 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay sarkaalka ugu sareeya ciidammada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidammada Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

3/25/2013 10:09 AM EST
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa maantay ka fariisatay go'aan ka gaarista murankii ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday 4-tii bishii March ee lasoo dhaafay.

3/25/2013 9:36 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Iyadoo sii kordhayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka magaalada Baladweyne, ayaa haddana dhinaca kale waxaa socda gurmadka caafimaad ee loo sameynayo dadka la ildaran cudurka oo ku jira xarumo gaar ah oo laga sameeyay dulleedka magaalada Baladweyne.

3/25/2013 8:18 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta loo asteeyey la-dagaalanka cudurka Qaaxada (TB) ayaa shalay lagu qabtay isbitaalka guud magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

3/25/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay saraakiisha ciidamada Itoobiya, waxgarad iyo xildhibaannadii halkaas horay ugu sugnaa.

3/25/2013 7:13 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyihii hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dhawaaqay maanta inuu xilkiisii iska casilay, isagoo sheegay inuu go’aanka is casilaaddiisa uu yahay mid uu isagu gaaray.

3/25/2013 3:01 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo lagu wado inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

3/25/2013 2:53 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa casuumaad ugu sameysay gudaha dhismaha Safaaradda dublamaasiyiinta ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo ku tababaranaya dugsiga sare ee akadeemiyada dublamaasiyadda ee wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika.

3/25/2013 2:45 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gabar wariye ahayd oo lagu magacaabi jiray, Raxmo Cabdulqaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilkeeda ka dambeeya.