3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Soomaaliya oo Maanta ku dhawaaqay inuu Iska Casilay Xilkiisii


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyihii hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dhawaaqay maanta inuu xilkiisii iska casilay, isagoo sheegay inuu go’aanka is casilaaddiisa uu yahay mid uu isagu gaaray.

Fiqi oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta hay’adda nabadsugidda ayaa xusay in 22-kii bilood ee uu xilka hayay uu ka shaqeynayay in laga hortago dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo sidoo kale kooxo uu ku sheegay mooryaan  nabadda diiddan.

“Muddadii aan xilka hayay waxaan ka shaqeynayay sidii nabadda dalka looga shaqeyn lahaa, balse dad markaas aan isla joognay waxaa layaab ku ahayd in xilkan loo magacaabo qof shacab ah, balse waan kasoo baxay howshii la ii igmaday,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale, taliyaha iscasilay ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay ku guuleysteen ciidamada nabadsugidda inay gacanta ku soo dhigaan dhowr qof oo ka shaqeynayay falal ammaan-darro ah, kuwaasoo afar ka mid ah isla maanta lagu soo bandhigay xarunta hay’adda nabadsugidda.

“Warqaddii iscasilaaddayda waxaan u gudbiiyay madaxweynaha 24-kii bisha oo shalay ku beegnayd, mana jirin wax cadaasi ah oo la igu saaray inaan iska casilo xilkayga,” ayuu yiri Fiqi oo xusay inuu sii wadayo howlaha u hayo dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ciidamadii ka tirsanaa ha’yadda nabadsugidda ee geeriyooday iyagoo howlaha ku jira howl lagu sugayo ammaanka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, haya’dda nabadsugidda Qaranka ayaa lagu soo bandhigay afar qof oo la sheegay in lasoo qabtay xalay iyagoo ku gudo-jiray howlo ka dhan ah ammaanka, waxaana mid ka mid ah dadkaas oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in lasoo qabtay isagoo bambaano ku tuurayay xarun ay ha’yaddu ku lahayd degmada Wardhiigley.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/25/2013 2:39 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guute, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in sharciga la marinayo saddex askari oo loo qabtay dilka wiil dhalinyaro ah oo dhowaan lagu dilay magaaladda Hargeysa.

3/25/2013 1:25 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Arday wax ku baranaysay dugsi ood ka sameysan oo ku yaalla deegaanka Manaas ayaa la fasaxay kaddib markii roobab mahiigaan ah ay waxyeello u geysteen dugsigooda, waxana ay ka cawdeen macallimiinta gusigaas inaysan helin kaalmooyin ay dugsiga ku dhisaan.

3/25/2013 12:42 PM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay sarkaalka ugu sareeya ciidammada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidammada Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

3/25/2013 10:09 AM EST
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa maantay ka fariisatay go'aan ka gaarista murankii ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday 4-tii bishii March ee lasoo dhaafay.

3/25/2013 9:36 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Iyadoo sii kordhayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka magaalada Baladweyne, ayaa haddana dhinaca kale waxaa socda gurmadka caafimaad ee loo sameynayo dadka la ildaran cudurka oo ku jira xarumo gaar ah oo laga sameeyay dulleedka magaalada Baladweyne.

3/25/2013 8:37 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Kaddib markii uu agaasimihii hay’adda nabadsugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi uu ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay maanta ayaa waxaa madaxweynuhu uu goor dhow agaasime KMG ah u magacaabay haya’adda, kaasoo magaciisa uu kusoo gaabiyay Cabdikariin.

3/25/2013 8:18 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta loo asteeyey la-dagaalanka cudurka Qaaxada (TB) ayaa shalay lagu qabtay isbitaalka guud magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

3/25/2013 8:08 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay saraakiisha ciidamada Itoobiya, waxgarad iyo xildhibaannadii halkaas horay ugu sugnaa.

3/25/2013 3:01 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo lagu wado inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

3/25/2013 2:53 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa casuumaad ugu sameysay gudaha dhismaha Safaaradda dublamaasiyiinta ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo ku tababaranaya dugsiga sare ee akadeemiyada dublamaasiyadda ee wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika.

3/25/2013 2:45 AM EST
Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gabar wariye ahayd oo lagu magacaabi jiray, Raxmo Cabdulqaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilkeeda ka dambeeya.