4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Ra'iisul Wasaare Saacid iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ku wajahan Degmada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose

Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo lagu wado inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, iyadoo sidoo kale laga dareemayo soo dhaweynta ra'iisul wasaaraha garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Socdaalka ra'iisul wasaaraha ayaa wuxuu daba-socdaa socdaal ay ku tageen shalay degmadaas wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, kuwasoo u gogol-xaarayay booqashada ra'iisul wasaaruhu uu ku tagayo Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ra'iisul wasaaraha uu u socod sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka dhashay maamul u sameynta Jubbooyinka oo soo dhexgalay dowladda iyo ururka Raaskambooni, iyadoo lagu wado in shirka maamul u sameyntana uu ra'iisul wasaaruhu furo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaargarow wafdiga uu ra'iisul wasaaruhu hoggaaminayo lagu soo dhaweynayo, waxaana la dhigay waddooyinka waaweyn ee Kismaayo ciidammo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay muddo dadaal ugu jirtay sidii ay u qaban lahayd hoggaanka maamul u sameynta jubbooyinka oo horay uga shaqeynayeen dowladda Kenya iyo urur goboleedka IGAD.

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo maalin ka hor kasoo laabtay dalka Kenya oo uu toddobaadyo ku maqnaa ayaa u sheegay wariyeyaasha in la dhameeyay khilaafkii jiray, uuna shirka maamul u sameynta Jubbooyinka noqon doono mid guuleysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya