4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo sheegay in Dowladdiisu dadaal ugu jirto sidii lagu sugi lahaa Ammaanka Muqdisho


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleedd ayaa sheegay inay dhiirri-gelinayaan sugidda amniga Muqdisho, kaddib kulan uu la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Mudane C/kariin ayaa sheegay in dowladdu ay gacan ku siinayso maamulka gobolka iyo kan degmooyinka sidii lagu xaqiijin lahaa amniga, isagoo weydiistay maamulka gobolka inay dadaal u galaan sugidda ammaanka Muqdisho.

“Ammaanka waa in shacab iyo dowlad ay ka qaybqaataan si looga hortago falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay ka wadaan gudaha caasimadda,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ammaanka lagu xaqiijin karo is-kaashi dhexmara ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo uu shalay kulan dheer la yeeshay ayuu kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ay ku sugayaan ammaanka degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay toddobaadkii tagay iyo toddobaadkan ka dhaceen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo falalkan ay cabsi geliyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, xalay waxaa lagu arkayay degmooyinka gobolka Banaadir, gaadiid gaashaaman oo ay wateen ciidamada booliiska Somalia, kuwaasoo baaritaanno ku sameynayay gaadiidka iyo dadka.

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay isaga baxday Al-shabaab bishii Ogoosto ee sannadkii 2011 waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaasoo ay mas’uliyadooda ay sheegatay Al-shabaab, dowladduna ay u muuqato mid wax ka qaban la’a.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya