4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Kooxo hubeysan oo saakay aroortii Degmada Dharkeynley ku dilay Haweeney u Shaqeynasay Waaxda Socdaalka

Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay ku toogtay xaafadda Celdheere ee degmada Dharkeynley haweeney ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, gaa rahaan waaxda socdaalka, iyadoo la toogtay xilli ay u socotay shaqadeeda, waxaana mana jirto sabab la ogyahay oo loo dilay iyo cidda dilkeeda ka dambeysay.

Haweeneyda la toogtay oo magaceeda lagu soo koobay Saynab ayaa waxaa toogtay laba ruux oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilkaas.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle ayaa u sheegay warbaahinta in kooxo hubeysan ay ku toogteen waaxda afaraad ee xaafadda Ceeldheere ee degmada Dharkeynley haweeneyda oo ka shaqeynaysay garoonka diyaaradaha, gaar ahaan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha.

“Ciidamada booliiska ayaan amar ku siinnay inay baaritaanno ku sameeyaan dilka haweeneydaas loo geystay iyo kooxihii ka dambeeyay, iyaga ayaana ka warsugaynaa,” ayuu Macallin Cabdulle hadalkiisa ku daray.

Haweeneyda oo dhaawac ahaan looga qaaday halkii lagu toogtay ayaa ku naf-baxday isbitaalka Madiina ee Muqdisho, halkaasoo loola cararay si loogu soo daweeyo, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmada Dharkeynley.

“Dilkan wuxuu yimid iyadoo xaaladda degmada ay dhawaanahan ahayd mid aad u deggen, mana garanayno koox ka dambeysa dilka, waxaanse qabnaa in kooxaha dilka geystay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab,” ayuu yiri Macallin Cabdulle oo sheegay inay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo falkan ciddii ka dambeysay.

Haweeneydan saakay la toogtay ayaa waxay ka dhigaysaa haweeneydii sadexaad oo bishan oo kale kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo horay loo dilay gabar jaamaacad dhigata iyo haweeney ka shaqeysa isbitaal gaar loo leeyahay.

Tallaabooyinkan lagu beegsanayo haweenka shaqeeya iyo kuwa dhigta jaamcadaha ayaa ah kuwol ku cusub magaalada Muqdisho, iyadoo tani ay  cabsi weyn gelinayso haween badan oo u shaqeeya dowladda iyo kuwo kale oo u shaqeeya hay’adaha samafalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya