4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Boqollaal Barakacayaal ah oo Lacago loogu Qaybiyay Deegaanno kala duwan oo ku yaalla Gobolka Sool (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Qoysas barakacayaal ah oo tiradoodu tahay 450 qoys oo ku nool degmada Laascaanood, Xuddun iyo Taleex kuwaasoo ka wada-tirsan gobolka Sool ayaa loo qaybiyay lacago ay ku deeqeen hay’adaha  USAID iyo CARE International, taasoo soo martay hay’adda waddaniga ah ee SVO.

Barakacayaasha ku nool degmada Laascaanood oo tiradoodu ay ahayd 320 qoys ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay min 80 doollarka Mareykanka ah, sida uu HOL u sheegay madaxa hay’adda SVO, Maxamed C/llaahi Faarax (Cag-madhige).

Sidoo kale 130-qoys oo ku nool tuulooyinka Sarmaanyo iyo Kullaal oo ka kala tirsan degmooyinka Xuddun iyo Taleex ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay 80 doollarka Mareykanka ah, taasoo loogu talogalay inay qoysaskan muddo saddex bilood ah ku kabana noloshooda.

Duqa degmada Laascaanood, C/qaadir Jaamac Faarax oo soo maray goobihii lacagaha laga qaybinayay ayaa ammaan ballaaran u jeedieyay mas’uuliyiinta ha'adda SVO iyo hay’adaha kale ee lacagtan soo bixiyayba, isagoo intaas ku daray in deeqdan ay kusoo beegantay waqti dadku aad u jilicsan yihiin loona baahnaa in gargaar la gaarsiiyo.

C/llaahi Jaamac wuxuu hay'adaha deeqaha bixiya ugu baaqay hay’adaha deeqaha bixiya inay ka qaybqaataan sidii ay u caawin lahaayeen dadka ku nool Laascaanood iyo deegaannada ku dhow dhibaatada biyo la'aaneed ee soo food-saartay.

Hay'adda waddaniga ah ee Stead-fast Voluntary Organization (SVO) ayaa sannadihii ugu dambeeyey wadday olole ay kula tacaalayso harraadka soo noq-noqda, iyadoo dayactir ku samaysay in ku dhow 1000 ceel oo nooca biri-qodayda ah (Shallow well), kuwaasoo badankooda ku yaalla dooxada Nugaaleed iyo degaannada ku xeeran sida uu HOL uga warbixiyay Inj. Xasan Ismaaciil Kaatun oo ah hawlwadeenka hay’addaas.

Sidoo kale,SVO waxay ceelal riig ah ka qodday degaanka oomanaha ah ee  Soolasha loo yaqaano siiba magaalooyinka Sarmaayo iyo Awr-boogays, haatanna waxay ka waddaa tuuladda Kulaal oo dhamaantood ka tirsan degmooyinka Xudun iyo Taleex.

Hay’adda SVO waxa kaloo kayd biyoodyo ka samaysay deegaannada Hawd oo inta badan ah dhulka ay biyo la'aantu kusoo noq-noqoto kuwaasoo kala ah Baraago iyo Balliyo.

Hay’addan oo ka howlgasha deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah siiba gobolladda Sool, Sanaag, Togdheer, Nugaal iyo Mudug ayaa waxaa wax qabadkeeda ka caawiya hay’adaha deeqda bixiya ee ay ka mid tahay CARE, NPA, USAID iyo qaar kale oo badan.






Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool