4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Kulan Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland ku dhexmaray Nairobi (SAWIRRO)


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Kulankan oo dhacay xalay ayay labada mas’uul ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay arrimaha dastuurka, maamul u sameynta Jubbooyinka iyo xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo aanay jirin faahfaahinno dheeraad ah oo kasoo baxay kulankooda.

Wararka hoose ayaa sheegaya in labada madaxweynuhu ay ku kala fikir duwanaadeen arrimaha dastuurka iyo maamul u sameynta Jubbooyinka oo ay horay ay isugu mari waayeen kulan ay ku yeesheen xarunta Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa la sheegay inay kulankooda kusoo qaadeen deeqaha ay beesha caalamka siiso Soomaaliya sidii Puntland ay qaybteeda uga heli lahayd iyo shillin Soomaaliga iyo sii wadista dib u heshiisiinta guud ee dalka.

Ma jiraan wax war ah oo ay dowladd Soomaaliya iyo Puntland kasoo saareen kulanka wixii kasoo baxay, waxaase kulankaan uu ahaa mid hordhac ah sida ay sheegayaan wararka hoose ee kulanka laga helayo.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka socda Puntland iyo xubno ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen dajiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Ameerika, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka, Jen. Bashiir Maxamed Goobe iyo Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin dastuurka oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay isbedel ku sameyso iyo arrimaha Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya