4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
CIYAARAHA SOMALILAND: Kooxihii ka socday Gobollada Gabilleey iyo Awdal oo ka badiyey goboladda Togdheer iyo Sool (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Laba ciyaarood oo aad u adag,  ayaa shalay iyo xalayba  ka dhacay garoomadda ciyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxaana iskaga hor yimid goboladda Gabiley iyo Togdheer, Awdal iyo Sool, Saaxil iyo Togdheer.

Xulka Gobolka Gabiley ayaa 2-0 kaga badiyey xulka gobolka Togdheer,  waxaanay ahayd  Ciyaar aad u xamaasad badan oo ay iskugu yimaadeen boqolaal dadweyne si ay u daawadaan ciyaarahan.

Sidoo kale waxa ciyaar kale dhexmartay Gobolada Awdal Iyo Sool taas oo ahayd ciyaartii ugu xarakada iyo quruxda badnayd tan iyo intii tartankan ciyaaraha Goboladu Bilaabmeen.

Ciyaartan ayaa waxa loogu awood sheegtay xulkii Ka Socday Gobolka Sool taas oo ay ciyaartaasi ku dhamaatay oo guusha ku raacday kooxdii ka socotay Gobolka Awdal oo ay kaga Badiyey 2-0.

Dhinca kale, Xulka kubadda Kollayga ee gobolka Gabiley ayaa ka badiyey xulka kubadda Kollayga ee gobolka Awdal.



Xulka gobolka Gabiley ee kubadda Gacanta ayaa ku badiyey 40 dhibcood, halka xulka gobolka Awdalna  uu keenay 19 dhibcood, sidaasna waxa ku badiyay xulka gobolka Gabiley.

Sidoo kale, waxa iyaduna xalay ciyaar adagi dhexmartay xulka gobolka Saaxil ee kubadda gacanta iyo xulka gobolka Togdheer, waxaanay halkaasi guushu ku raacday gobolka Saaxil oo ku badiyey 39 dhibcood, halka gobolka Togdheer lagaga badiyey 19 dhibcood.

Gobolka Togdheer ayaa labaddii ciyaarood ee kubadda  cagta iyo gacantaba guul daro kala kulantay ka dib markii ay Saaxil iyo Gabiley ka kala badiyeen, waxaanay u muuqataa sanadkan in aanay wadan ciyaartoydii hore ugu ciyaari jiray.

Ciyaartan waxa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne, madax badan iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo kala taageersanaa goboladda wadda ciyaareyey.








Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland