4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SUN ee dalka Sweden oo abaal-marin qaali ah la guddoonsiiyay (SAWIRRO)


Arbaco, June 6, 2013(HOL)— Ururka Somaliska Ungdomsnätverket  (SUN) ee ka dhisan magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa wuxuu ku guuleystay abaalmarin sanadle ah oo ay degmada Eskilstuna bixiso, taasi oo la siiyo ciddii loo garto in ay gacan ka geysatay dhowrista deegaanka.

 

Munaasabad lagu qabtay xarunta baarlamaanka degmada Eskilstuna ayaa waxaa billad iyo lacag lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta Ururka SUN, waxaana abaalmarintaas guddoonsiiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Eskilstuna Magnus Johansson.

 

Mr. Magnus Johansson oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Ururka Dhalinyarada Soomaaliyed ee Eskilstuna (SUN) uu abaalmarinta ku muteystay dadaal dheeraad ah oo ay dhalinyaradu muujiyeen, kaasi oo ku aaddanaa dhowridda deegaanka, wuxuuna ku boorriyay dhalinyarada in ay dadaalkooda sii labuulaabaan.

 


Xoghayaha guud ee Ururka SUN Maxamed Khadar oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Degmada Eskilstuna abaalmarinta ay siiyeen, wuxuuna xusay in ay dadaal dheer u soo galeen sidii ay abaalmarinta iyo kuwo kale oo ka qaalisan ay ku heli lahaayeen.

 

Xildhibaan Feysal Nuur Cali oo ka tirsan Xisbiga Miljöpartiet ayaa Ururka SUN ugu hambalyeeyay abaalmarinta ay ku guuleysteen, wuxuuna Feysal caddeeyay in ay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Magaalada Eskilstuna ee ku bahoobay Ururka SUN ay bixiyeen sawir aad u wanaagsan, wuxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii kordhiyaan si ay mustaqbalka u gaaraan horumarka ka wanaagsan midka ay sameeyeen.

 


Abaalmarinta la siiyay Ururka SUN ayaa waxaa lagu soo beegay maanta oo caalamka looga dabaal-degayo maalinya deegaanka Adduunka.

 


Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SUN ayaa wuxuu yahay Ururka kaliya ee Soomaali ah oo aqoonsi macno leh ka helay degmada Eskilstuna, waxaana marka laga soo tago abaalmarinta maanta la siiyay uu horay fursad ugu helay in uu xarunta looga arrimiyo degmada Eskilstuna uu ku xuso sanadguuradiisii shanaad oo uu u dabaal-degay bishii Maarso ee sanadkan.

 



 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]