4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Ciidamada Ammaanka Puntland oo Magaalada Boosaaso ku qabtay Sarkaal la sheegay inuu Al-shabaab ka Tirsanaa

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howlgal ay shalay gelinkii danbe ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxay kusoo qabteen nin la sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Howlgalka ninkan lagu soo qabtay oo qaatay muddo kooban ayaa ka dhacay xaafadda Laanta-Hawada, gaar ahaan jidka gala garoonka diyaaradaha ee hormara istaadiyamka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo waxyar kaddib markii uu howlgalkaasi dhacay la hadlay warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah, ayaa ka warbixiyey ujeedada howlgalka iyo weliba cidda ay kusoo qabteen.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada howlgalku ay ahayd sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo ka yimid dhinaca gobollada koonfureed, islamarkaana ay laamaha ammaanku labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku raad joogeen.

Rasaas qadar kooban socotey oo dhex martay ninkan iyo ciidamada ayaa waxaa ku dhintay qof rayid ah oo goobta ka ag dhowaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay isla ninka ay ciidamadu shalay qabteen ee la sheegay in uu ka tirsan yahay AL-shabaab.

"Ninkaas muddo dhowr iyo toban cisho ah ayaan daba joogney isaga iyo rag kale oo magaalada ku jira, waxaanna ku dadaaleyney inaan si nabad ah ku qabano, maanta ayeyna noo suurta gashay, howgalladuna weli way socdaan" Wasiirka amniga Puntland ayaa yiri.

Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo arintan ninkan oo aan ilaa iyo hadda magaciisa la shaacin, wuxuuna intaas raaciyey in maalmaha soo socdo loosoo bandhigi doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari -xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland- ayaa bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo aysan ka dhicin haba yaraatee falal ammaanka liddi ku ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya