4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo soo dhaweeya Ergayga Qaramada Midoobay ay u soo Magacowday Dalka Soomaaliya

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain. Wuxuuna tilmaamay in hawlgalka cusub ee Qaramada midoobey ee Soomaaliya uu kalsooni buuxda siinayo Soomaalida oo dhan.

“Qaramada Midoobey waxay billowday inay u soo guurto xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, shaqaduna waxay u socotaa sidii loogu talagalay. Waxaad u muujiseen caalamka inay suurogal tahay in lala macaamilo Soomaaliya iyadoo ay muhiimad weyn leedahay inaad ka shaqaysaan gudaha dalka.. Waxaan kuugu hanbalyeynayaa mas’uuliyadan cusub iyo billaabista hawl-galkan wata waajibaadka cusub,”  ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa waajibkiisu yahay inuu ka taageero Soomaaliya dhinacyada dhismaha dawladda, sugida ammaanka, sare u qaadidda xuquuqda aadanaha , taabo-galinta sarreynta sharciga iyo isku-dubaridka kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Iskaashiga qaramada midoobey wa mid ahmiyad weyn u leh Soomaalida oo dhan. Xiriirkeena soo jiray muddo dheer wuxuu soo maray xilliyo kala duwan, Waan soo dhaweyneynaa taageeradaada qorshayaasha ee aad ka geysanaysaan gacanta kuwaasoo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhismaha qarankan. Waxaan dalbannay ka dawlad ahaan siyaasad midaysan oo hal albaab laga galo in Qaramada Midoobay yeelato, waana taas midda xafiiskan suuro-galin doono,” ayuu mar kale yiri ra’iisal wasaare Saacid oo saxaafadda la hadlay kulankii gaarka ahaa ee uu la yeeshay ergayga kaddib.

Ra’iisul wasaarha ayaa dhanka kale sheegay in hawlgalka cusub ee ay ka billowday Qaramada Midoobey Soomaaliya ee UNSOM uu yimid xilli aad muhiim ugu ah taariikhda Soomaaliya.

“Annaga oo heleyna taageerada AMISOM iyo mida saaxiibadayada caalamka, waxaa noo suuro-gashay inaan wax badan qabanno waqti yar gudihiis. Adduunkuna wuu arkay horumarka aan samaynay. Weli waxaa na horyaalla hawl aad u tiro badan oo ku aaddan nabadaynta iyo barwaaqynta dalka. Waan ku faraxsannahay in UNSOM gacan naga siin doonto ka gun-gaaridda hadafkeena guud. Waxaana u baahannahay inaan dib-u-dhisno dalkayaga iyo dhaqaalahayaga, inaan xaqiijino in carruurtayadu ay waxbarasho helaan iyo in dadkayagu helaan caafimaad iyo shaqo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, erayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee ee uu ka helay dhanka dowladda, wuxuuna xusay in hawsha UNSOM uu ka ballaarnaan doono xafiiskii ka horreeyay ee UNPOS. Waxaana wakiilku caddeeyay in UNSOM ay noqon doono halka laga xiriiriyo hawlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya