3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Daraasad Muujinaysa Nolosha bulshadda Somaliland oo lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa ee Somaliland (SAWIRRO)


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland, ayaa soo bandhigay daraasad ay afartii sannaba mar samayso oo lagu eego hab nololeedka bulshadda Somaliland sida arrimaha Hooyadda iyo dhalaanka, Caafimaadka, waxbarashadda, shaqada iyo isticmaalka biyaha nadiifadda ah.

Daraasadan oo ah tii afraad ee Somaliland laga hirgaliyo ah, ayaa la sameeyey 2011 kii, waxaana xafladan lagu soo bandhigayey ka qaybgalay  Madaxda Wasaarada Qorshaynta, Hay’adaha UNICEF oo maalgalisay  iyo hay’adda wadaniga ah ANPPCAN oo qayb ka ahayd daraasadan.

“Sahankani wuxu khuseeya hooyada iyo dhalaanka marka uu dhasho ilaa 5 santa sanno  inta u dhaxaysa iyo Hooyada, sanadkani waa kii 4aad ee la sameeyo, kii ugu horeeyey waxaa la  sameeyey 1995-kii, kii labaad-na waxaa la sameeyey 1999-kii, kii seddexaadna waxaa la sameeyey 2006-dii, kan afraadna waxaa la sameeyey 2011-kii”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaradda Qorsheynta Cabdirashiid Axmed Guuleed, waxaanu intaas ku daray “sahankan wuxu  taaban doonaa Wasaarada Caafimaadka, Waxbarasha, Biyaha iyo shaqaalaha oo wasaarada badan ayuu taabanaya, waxaana loogu talo galay in madashan lagu soo bandhigo si wasaarad waliba halka shaqadeedu marayso ka qiyaas qaadato, sahankan natiijada ka soo baxday waxay cabir u noqon doontaa dhamaan waxyaabaha khuseeya Hooyada iyo Dhalaanka Caafimaadkooda, Biyaha Nadiifta,  dumarka waxbaratay, waxa soo bixi karta in Hooyooyin aan aqoon lahayn Ubadkooda Shubanku ku badan yahay, qaar aqoon leh-na uu ku yar yahay”

Sidoo kale, waxa iyaduna halkaasi ka hadashay wasiir ku xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo sheegtay inuu wax badan ka taabanyso wasaaradeeda, waxaanay xustay in horumar badan laga sameeyey xaga caafimaadka ka dib markii adeeg farobadan ay gaadhsiiyeen bulshadda, inkastoo ay tilmaamtay in aanay inta badan u dhago nugleen dadweynuhu talaalka, haseyeeshe ay yaraadeen caruurtii shan jirta ahayd ee u dhimaneyey cudurada ku dhaca.

 

“Markaanu dhinacyo badan ka eegno waxaan odha karaa caafimaadka Dalka Waxbadan ayaa is bedelay, dhimasha caruurta 5-ta sano ka yar aad bay hoos ugu dhacday inkasta oo aanu talaalku halkiisii dhaafin, Hooyada ku dhashay Goobaha Caafimaadka ama hesha xirfadle Caafimaad xogtani waxay soo saartay in hooyada ku dhasha Gurigu ay aad uga yartahay intii ku dhali jirtay markii hore”ayey tidhi Nincoo Qawdhan wasiir ku xigeenka caafimaadka.

Wasiirka Wasaarda Qorshayn Qaranka Dr-Sacad Cali Shire, ayaa isna ka waramay Qorshayaasha u dajisan iyo u jeedada la leeyahay Daraasadaasi, isagoo tilmaamay in laga cabiriyo  waxa qabyada ah iyo waxa la qabtay iyo caalamka oo la barbardhigay nolosheenna.

“Daraasadani waxay leedahay Afar faa’iido waxay inoo sheegaysaa halkaynu joogno, halkaynu ka nimid waxa kale oo ay sheegaysaa Halkaynu joogno marka loo eego Caalamka intiisa kale, waxa jira yool la dhigtay oo ku saabsan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Daryeelka, shaqada iyo Horumarka ilaa 2015-ka oo la doonayo Qaran waliba inuu gaadho, daraasana waxay tilmaamaysaa bal inta inooga hadhay, Waxaana loo baahan yahay in Daraasad walba oo la soo bandhigo wixii ka soo baxay ee Go’aana laga qaato wixii laga daba gayn lahaa oo la yidhaa xogtan baa inoo soo baxday oo waxay ka qaadaynaa talaabooyinkan”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Dr: Sacad Shire oo ka hadlayey faa’iidada daraasadan.

Si kastaba ha ahaatee, Xog ururintan oo la sheegay in si dhab ah loo sameeyey ayaa shan gobol oo Somaliland ah laga sameeyey, iyadoo gobol walba natiijadiisa la barbar dhigay gobolada kale iyo dalalka kale ee jaarka ah daraasadihii laga sameeyey si loo fahmo heerar la kala taagan yahay.

Tusaale ahaan Sanadkii 2011 xog uruirntan Somaliland laga sameeyey waxa la sheegay inay da’da toban jir ilaa shan jir ka ka yar ay kunkii caruur ah geeriyoodda 72 caruur oo toban sanno ka yar iyo 91 shan jir ka yar, sidoo kale caruurta lix ilaa sideed bilood  jirtay shanti caruuraba laba caruur ah ay hela  Fitimin A.

Xaga biyaha nadiifta ah shantii caruur ah laba caruur ah ayaa bulshadda Somaliland ka hella biyo nadiifa, halka qayb ka mid bulshadeenu awood u heshay inay biyo nadaafadda helaan, tusaale ahaan marka gobolada Somaliland eegtid gobolka Marood jeex iyo Saaxil oo qoladdii xogta ururinaysay isku dartay waxay biyo nadiifa hela 27%, gobolka Awdal 57%, togdheer 25%, Sool 15%, Sanaag 24%.

Xagga waxbarashadda dugsiga dhexe ardayda somaliland ee taga waxay dhan yihiin 51%, halka 20% ay tagaan dugsiyadda sare, bal aynu eegno gobol gobol, gobolka Maroodi jeex iyo Saaxil oo is barkan 55% ayaa dhigta dugsiyada dhexe, gobolka Awdal 63%, Togdheer 41%, Sool 39, Sanaag 47%.

Daraasadan ayaa la barbardhigay dalalka Bariga Afrika  halka ay ka taagan yihiin, waxaana soo baxay in dalal badana Somaliland dhaanto qaar kalana Somaliland lagaga horeeyo, sidoo kale waxa la soo bandhigay 2006 kii iyo 2011 faraqa udhexeeya, taas oo la sheegay in sanadkii u dmabeeyey ay dadku dhinacyo badan horumar ka sameeyeen,isla markaana wax badan soo fahmayaan oo la xidhiidha xaga caafimaadka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/30/2013 2:08 PM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda wafaafinta xukuumadda Soomaaliya, C/shakuur Cali Mire oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ku eedeeyay inay ka qaybgaleen dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

6/30/2013 2:00 PM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys ay u baahan tahay fursad si arritan xal looga gaaro, waxaana arrintaan sheegay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

6/30/2013 1:16 PM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay xirtaankii kalfadhigii labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaaliya oo maanta lasoo xiray, waxaana sidoo kale goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyeyaasha baarlamaannada Puntland iyo Galmudug.

6/30/2013 10:31 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Lanqayo oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada xafiiskiisa magaalada Baladweyne ayaa uga digay ganacsatada gobolka in ay soo galiiyaan magaalada lacago been abuur ah.

6/30/2013 10:31 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Hay’adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC ayaa Muqdisho ka qaybisay deeq dhar ah oo ay soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London ee xarunta dalka Britain , iyadoo deeqdan ay ka koobnayd dharka haweenka, raga iyo kuwa caruurta, waxaaana la socday kabo iyo bustayaal.

6/30/2013 4:32 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaallo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday gudaha magaaladaas.

6/30/2013 3:49 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Owqaafta, arrimaha diinta iyo dhaqanka dalka Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid saakay ka qaybgalka munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beegan 53-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ka xoroobeen gurmeysigii Talyaaniga iyo is-raacii labada gobol.

6/30/2013 2:52 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno taageerayaashiisa ah oo la socday, kuwaasoo xalay fiidkii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

6/30/2013 2:30 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa war uu warbaahinta siiyay ku xaqiijiyay in laba ka mid ah saraakiishii sar-sare ee Al-shabaab lagu dilay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii ay diideen inay is-dhiibaan.

6/30/2013 2:01 AM EST
Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo galay maalintii saddexaad ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, dagaalkan oo daba socda dagaalladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay degmadaas.