4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isla markaana ah sii hayaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Key.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay wajiga cusub ee howgallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ay ka furanayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaa lagama maarmaan ah in xafiiska cusub uu dowladda Soomaaliya ka caawiyo howlo badan oo wax looga qabanayo dalka, waxaana rajeynayaa in xafiiska cusub ee UNSOM uu wax badan la qaban doono dowladda iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo si wadajir ah shir jaraa’id ula qabtay ergayga cusub.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xafiiskan si aad ah u soo dhaweynayso, ayna ka filayso inuu la yimaado howlkarnimo la mid ah tii uu hayay xafiiskii UNPOS oo howshiisu ay maanta ku ekeyd.

Sidoo kale, Nicholas Kay oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay uu kaalin mug leh ka geysn doono wax ka qabanashada arrimaha Soomaaliya, isagoo aad u ammaanay ergaygii ka horreeyay.

“Xafiiska cusub wuxuu saldhiggiisu noqon doonaa Muqdisho, wuxuuna diyaar u yahay inuu si daacad ah uga shaqeeyo arrimaha Soomaaliya oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u soo xilsaaray,” ayuu Key hadalkiisa ku daray.

Ergayga cusub ayaa wuxuu maanta si rasmi ah howshii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kala wareegay dajirihii hore, Augustine Mahiga oo Somalia ka shaqeynayay muddo saddex sannadood ah.

Howgalkan cusub ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka bedelnaan doona howlgalladii hore, iyadoo howshiisa ay kusoo beegmayso xilli ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah, lagana soo gudbay xilligii KMG ahaa.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya