3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo sheegay in Xukuumaddiisu aysan wax colaad ah u Qabin Dalka Kenya

Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan kula dagaalsanay Kenyan xal u helidda ammaanka iyo dib u soo celinta nabadda Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in wararka ay baahinayaan warbaahinta aysan ahayn oo keliya kuwo si xun loo turjumay, balse ay yihiin kuwo lagu doonayo in la xumeeyo xiriirka u dhexeeya maamulllada Nairobi iyo Muqdisho.

“Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Kenya ay naf iyo maal u hurtay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, taasna waa sharaf u ah dowladda iyo shacabka Kenya, dunidana way ogtahay taas,” ayuu yiri ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay kulan uu Sabtidii kula yeeshay dalka Jabaan madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay Ruto in xukuumaddiisu ay si dhow ugala shaqeyn doonto dolwadda Kenya sidii dib loogu soo celin lahaa ku dhawaad laba milyan oo qoxootig Soomaaliyeed oo dalkaas ku noolaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in amaanka Kismaayo oo laga saaray Al-shabaab uu yahay mid qasan, taasoo ay sababeen kooxo beeleedyo doonaya inay halkaas ka sameystaan maamullo iyaga u gaar ah.

“Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaan u dirnay halkaas si ay ula kulmaan madaxa beelaha si loo helo xiisadda halkaas ka jirta, waayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ma doonayaan dagaal,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Isagoo hadalkiisa ku daray. “Ma doonayno in dagaal uu ka dhaco Kismaayo, ciidammo uma dirayno Kismaayo mana u dirayno hub iyo saanado kale oo ciidan.”

Ugu dambeyn,wuxuu sheegay in sannado badan ay Kismaayo dagaallo ku soo jirtay, iyadoo lagu tartamayay gacan ku haynteeda, waayo waa magaalo khayraad badan leh.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto oo isna ka hadlay kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dani ugu jirto in labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) ay sugaan amniga si ay dadku ay uga ganacsaddaan iyagoo aan wax baqdin ah ka qabin kooxo weerarro ku qaaddan.

“Ciidamada Kenya uma joogaan Soomaaliya howlo shaqo, balse markii ay dhacdo nabad la isku halleyn karo waa laga saarayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto.

Ruto wuxuu sheegay in Kenya ay walaac xooggan ka qabto weerarrada ay Al-shabaab kusoo qaadayso deegaannada dalxiiska loo tago ee dalka Kenya, isagoo sheegay in dalkiisu uu iska difaaci doono xoogagga Al-shabaab.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo dhawana madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay si xun u dhaqmeen, kaddib markii ay diideen inay sugaan ammaanka wafdi ay dowladdu dirtay magaaladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2013 12:56 PM EST
Melbourne, June 3 (HOL) - shalayto oo taariikhdu ahayd 2nd June 2013, ayaa waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kulan ku dhex-maray R/Wasaaraha Australia Julia Gillard iyo R/Wasaarihii hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas.

6/3/2013 12:46 PM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Dad tiradoodu ahayd 10,000 ayaa dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in maxaabiista ku jira xabsiyada Itoobiya lasii daayo ka dhigay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dadkaas ay cambaareyn u jeediyeen xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF.

6/3/2013 11:37 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isla markaana ah sii hayaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Key.

6/3/2013 11:26 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Gaadiid sida in ka badan 150 tan oo raashin ah qaybna ka gargaar dowladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Widhwidh oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

6/3/2013 10:56 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay ka shaqeyso badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

6/3/2013 9:15 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe laba qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ay bishii hore ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya, kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen xilli habeen ah.

6/3/2013 8:01 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta yimid Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

6/3/2013 3:32 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

6/3/2013 2:20 AM EST
Waxaa sannad waliba dhammaadka bisha May ku kulma magaalada Ashland ee Gobolka Oregon (USA) cayaartooydii hore ee Kubadda Kulayga uuna marti-galiyo Cabdi Xalwo.