4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Dad ku dhintay weeraro ka dhacay deegaamo ku teedsan Mandheera oo ay qaadeem maleeshiyo beeleed
Sabti, June 29, 2013 (HOL) - 4 qof ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ku dhaawacmeen dagaallo horleh oo ka dhacay tuulooyin ku teedsan magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya.

Waxaana weerarkan qaaday sida uu qoray wargeyska The Standard dabley hubaysan oo kamid ah labada qabiil ee uu dagaalku ku dhexmarayo deegaano ka tirsan magaalooyinka Mandheera iyo Wajeer.

Waxayna kooxaha weerarka gaystay galeen tuulada Shirshir habaynkii jimcihii halkaasoo ay ku dileen 4 qof shan kalana ku dhaawaceen.

Qabaa'ilka Garre iyo Degoodiga oo kamid ah qabaa'ilada waawayn ee dega gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya ayaa maleeshooyooyinkoodu ay is waydaarsanayeen weeraro aargoosi ah oo inta badan lagu bartilmaameedsanayay dad rayid ah, iyadoo maalmihii u dambeeyay weeraro dhacay lagu laayay haween iyo caruur sida ay sheegeen qaar kamid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Waxaana dirirta labada qabiil ay salka ku haysaa markii dhammaan jagooyinkii lagu tartamayay ee doorashooyinkii dalka ay ku wada guulaysteen qabiilka Garraha, taasoo ka caraysiisay qabiilka Degoodiga oo markii hore jagooyin ka heli jiray deegaano ka tirsan Mandheera.

Inkastoo ay socdaan waanwaan ay wadaan duqayda gobolka iyo siyiisiyiinta waddanka Kenya ayaa haddana weeraradan cusub ay soo nooleeyeen walaaca laga qabo in dagaalladani ay sii socdaan.

Waxaana moodaa in labada dhinac ay iska dhaga tireen digniintii uu jeediyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku hanjabay inuu awood isticmaali doono hadii aan dagaalka la joojin hubka sharci darrada ahna aan dawlada loo soo gacan galin.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya