Madaxweynaha Somaliland oo isku-shaandheeyay Golihiisa Wasiirrada qaar cusubna keenay kuwo kalana isku bedelay

 Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka cusub ee W. Arrimaha Dibedda
|
Talaaddo, Juun 25, 2013 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey golihiisa wasiiradda, kuwaas oo uu qaar cusub keenay, qaar kalana xilalkii ay hayeen u bedelay kuwo kalana xilkiiba ka qaaday.
War-saxaafadeed xalay xilli dambe la soo saaray ayaa lagu sheegay isku shaandheyntan cusub oo baryahanba la saadaalinayey inay qaar badan shaqadda laga eryi doono kuwo cusubna la magacaabi dono.
Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkan oo soo gaadhay HOL waxa uu u qorna sidan“ Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda..
“Madaxweynuhu markuu arkay Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.
S/No. |
Title-ka |
Magaca |
1. |
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda |
Maxamed Biixi Yoonis |
2. |
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha |
Cali Maxamed Warancade |
3. |
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka |
Shugri X. Ismaaciil Baandare |
4. |
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda |
Cali Jaamac Faarax (Buureed) |
5. |
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
Maxamed Jaamac Abgaal |
6. |
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta |
Axmed Cabdi Kaahin |
7. |
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda |
Aaden Axmed Warsame |
8. |
Wasiirka Wasaaradda Biyaha |
Xuseen Maxamed Cabdille |
9. |
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada |
Maxamed Muuse Abees |
10. |
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL |
Cali Maxamuud Axmed (Sandule) |
11. |
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare |
Axmed Nuur Faahiye |
12. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta |
Xasan Daahir Dhinbiil |
13. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha |
Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar |
14. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
Shugri Xariir Ismaaciil |
15. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta |
Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir |
16. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga |
Cabdi Daahir Camuud |
17. |
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga |
Bashiir Cabdi Xariir |
18. |
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) |
Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) |
19. |
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) |
Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) |
WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-
S/No. |
Title-ka |
Magaca |
1. |
Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) |
Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) |
2. |
Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka |
Cabdirisaaq Khaliif Axmed |
3. |
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) |
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar |
4. |
Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) |
Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) |
5. |
Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) |
Abiib Diiriye Nuur (Timacade) |
6. |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda |
Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) |
7. |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) |
Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) |
8. |
Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) |
Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) |
Sidoo kale waxa madaxweynuhu uu XILALKII AY HAYEEN ka Qaaday Wasiiradan hoos ku qoran:-
S/No. |
Title-ka |
Magaca |
1. |
Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha |
Maxamed Nuur Caraale (Duur) |
2. |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha |
Cabdirisaaq Cali Cismaan |
3. |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka |
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) |
4. |
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
Cali Cilmi Geelle |
5. |
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga |
Aaden Diiriye Cigaal |
6. |
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare |
Cali Xaamud Jibriil |
Si kastaba ha ahaatee, masuulkan loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Yoonis Biixi ayaa dadweynaha Somaliland si weyn usoo dhoweeyen maadaama oo khibrad balaadhan uu u leeyahay arrimaha dibadda kana soo shaqeeyey meelo badan oo khilaafaad ka jiray, imikana Qaramadda midooobay u qaabilsana Daafuur ee Suudaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland