4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baydhabo Maanta Toogasho ku dilay Xoolo nool oo Is-cayrsanayay


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa maanta dilay saddex neef oo isugu jiray laba lo’a ah iyo dameero, kaddib markii ay xireen jidka weyn ee buundada xaafadda Isha Baydhabo.

Askari ka tirsan ilaalada xiratay waddadaas ayaa rasaas ku furay xoolahan kaddib markii ay soo galeen iyagoo is-eryanaya, iyadoo xoolahaas ay isla goobtii lagu toogtay ku naf-baxeen.

Mar uu hadlay askariga dilka xoolahan geystay ayaa wuxuu sheegay inay u soo ordeen dhiniciisa ayna joogsan waayeen, taasoo keentay inuu rasaasta ku furo. Iyadoo goobtaas ay markiiba tageen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo iyagoo la hadlay dadkii xoolahaas lahaa, si mag-dhow looga siiyo xoolahooda.

Ciidamada AMISOM ayaa maalin walba xira waddadaas saddex saacadood oo ay biyaha ka dhaansadaan ceel ku yaalla xaafaddaas, iyadoo dadkuna aysan soo marin waddadaas inta ay xiran tahay.

Gobolka Bay ayaa ka mid ah deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna saldhgyo waaweyn ku leeyihiin gudaha degmada Baydhabo iyo duleedkeeda.

Waa markii ugu horreysay oo fal noocan oo kale ah ay ciidamada AMISOM ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo arrintan ay aad uga yaabisay dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo.

Maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Bay ayaan weli ka hadlin falka ay ciidamada AMISOM ku laayeen xoolahan, waxaana sidoo kale aan weli ka hadlin taliska AMISOM ee Baydhabo iyo kan guud ee AMISOM.

Hiiraan Online, Baydhabo