4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Maamulka Puntland oo sheegay in diyaarad nooca aan duuliye lahayn ah ay kusoo dhacday duleedka Magaalada Boosaaso


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliye lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ay kusoo dhacday deegaan lagu magacaabo Qow oo 20-km u jira degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka dekedaha iyo la-dagaalanka burcadeedda Putland, Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay Sabtidii in diyaarad kuwa basaaska ah aan duuliyaha lahayn ay kusoo dhacday deegaanka Qow oo galbeed kaga beegan Bosaaso, sida ay dhaabacday maanta wakaaladda wararka ee Mareykanka ee AP.

Dowladda Mareykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan waxay duulimaadyo ay ku baadi-goobayaan kooxaha burcad-badeedda ah ka sameeyaan xeebaha badweynta Hindiya, balse wasiirka u hadlay Puntland wuxuu sheegay inaysan garanayn cid iska leh diyaaraddan.

Sidoo kale, diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanku leeyahay ayaa waxay duulimaadyo lagu baadi-goobayo xubnaha Al-shabaab ka sameeyaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, iyadoo dhawaan ay diyaarad ka mid ah kuwaas kusoo dhacday duleedka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada hoose oo ay Al-shabaab ka taliso.

Al-shabaab ayaa soo dhigtay bar ay Twitter-ka ku leeyihiin toddobadkii hore sawirro muujinayaa burburka diyaarad Drone ah oo Mareykanku uu sheegay inay ka mid ahayd diyaaradahooda ka howlgala Soomaaliya.

Puntland oo ka mid ah deegaannada Soomaaliya ayaa ka badbaaday colaadihii 22-kii sano ee lasoo dhaafay ka socday Soomaaliya, waxaana ka jira dowlad hoos-timaadda dowladda dhexe ee Soomaailya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya