4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Bambaano lagu Weeraray Ciidammo Madani ah oo ka Howl-galayay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo

Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Ciidammo madaniga oo la shaqeeya kuwa booliiska ayaa loo sameeyay xaafadaha magaalada Baydhabo, kuwaasoo la wareegay sugidda ammaanka degmada Baydhabo oo bilihii ugu dambeeyay ahayd mid kacsan.

Ciidamadan madaniga ah oo laga qoray xaafadaha Baydhabo ayaa gaaraya 100 qof, iyadoo xalay lala eegtay qaar ka mid ah oo ku sugnaa xaafadda Isha ee degmada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in dhaawac uu jiro.

Haweeney goobta ka dhaweyd oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladdeedu aad u daran tahay, waxaana dhaawacyadii ka dhashay weerarkaas la dhigay isbitaalka Baydhabo.

Guddoomyihii xaafadda Isha Baydhabo ayaa horey loogu dilay bam-gacmeed lala beegsaday, iyadoo isla goobtii lagu weeraray guddoojiyaha ay ahayd halkii xalay lagula eegtay ciidamadan bam-gacmeedka.

Ciidammo ka tirsan booliiska Baydhabo oo goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaanno iyadoo la sheegay inay qabqabteen dhallinyaro fara badan oo lagu eedeeyay bamkan inay tuureen, kuwasoo loo taxaabay xabsiga.

Lama oga cid si rasmi ah uga dambeysa weerarka bambaano, mana jirto hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo looga bartay inay weerarro noocan oo kale ka geystaan magaalooyinka aysan gacanta ku hayn.

Hiiraan Online, Baydhabo