3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Kooxda Dahabshiil Norway oo ku guuleysatay Koobkii K/Cagta ciyaaraha Sweden (SAWIRRO)


Talaado, July 9, 2013—Waxaa  sanadwalba lagu qabtaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ciyaaraha xagaaga  oo ay soo qabanqaabiyo Ururka SEUKI oo ka dhisan dalka Sweden.

 

Ciyaarahan  ayaa sanadkan waxaa la isugu keenay 12 kooxood oo ka kala yimid  dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool qaaradan Europe. Muhiimadda iyo hadafka ciyaarahan looga danleeyahay ayaa ah in ay dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool qaaradan Europe  ay isku dhex gali lahaayeen  afkaartoodana ay halkaa ku soo bandhigaan.

 

Ciyaarahan ayaa si  xiiso leh ku billaabmay, kuna dhammaaday si xarago leh oo dadweynihii ka soo qayb galay aad indhahooda ka dheehanaysay farxadda iyo  reeynrayn ay ku qanceen habka loo soo qabanqaabiyay iyo jawiga uu ku dhammaadayba.

 

Haddaba  kama dambaystii ciyaarahan isugu soo baxay labo kooxood oo horay loo sii saadaaliyay  kuwaasi oo kala ah kooxda  Qaran Sweden oo iyadu horey 3 jeer oo isku xigta qaadday koobkan, iyo kooxda  15-kii sanadoodkii  ee ugu dambeeyayba ka soo qayb gelaysay, laakiin habayaraatee aan halkaa guul kala tagin, waa kooxda Dahabshiil Norway.

 


Kooxdan Dahabshiil Norway ayaa 5tii sanadood ee ugu danbaysayba lagu reebayay gool-ku-laad,

( Benelti-, ama rigoorayaal).  Khubarada ciyaarahan goob jooga ka ahaa ayaa dhammaantood ay isku raaceen in Kooxda Dahabshiil Norway ay quwadda  jirka iyo xirfadaba ay ka ga horreeyeen dhammaan kooxihii ka soo qayb galay.

 

Ciyaartan ayaa waxaa garoonka soo buuxiyay dhamaan  waalidiinta iyo dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool  magaalada Stockhom, kuwaasoo si anshax iyo edeb ku jirto u kala taageerayay labadan kooxood ee  finalka isugu soo haray.

 

Ciyaarta labada kooxood dhexmartay ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis.

15-kii daqiiqadood ee ugu horreeysay ayaa la arkayay in ay kooxba kooxda kale darsaysay habka ay u ciyaarto.

 

Ciyaartu markii ay socotay 18 daqiiqadood ayaa kooxda  Qaran Sweden gool  si wanaagsan loo soo dhisay  ay halkaas ka  dhaliyeen,  taageerayaashii  kooxda Qaran Swedena ayaa halkaas dabaal dag iyo sawaxan qaylo farxad wata ka dhigay. inkastoo kooxda Dahabshiil Norway gool lagaga hormaray haddana may is dhigan oo aad ayay isku dajiyeen maadaama waqti badan uu ka haray ciyaarta.

 


Daqiiqaddii 33aad ayay kooxda Dahabshiil Norway ay la soo baxday dardar iyo isku xirnaan ka muuqata ciyaartooyda dhexda ka ciyaarayay iyo weeraryahannadaba. Waxaa halkaas  ugu suurtowday in ay goolkii lagu lahaa iska soo gudaan , ciyaartiina ay noqotay 1 iyo 1.

 

Qaybtii danbe markii la isugu soo noqday ayaa dhammaanba garoonka laga dareemay in ay kooxdii  Ka  socotay Dahabshiil Norway  ay si xarago leh ay u maamulanaysay ciyaarta, inkastoo kooxda Qaran ay dadaalaysay haddana waxaa mar qura looga naxsaday  goolkii labaad.

 

Kooxdii Dahabshiil oo ogaa  in aan la dhayalsan karin kooxda Qaran oo  sanadkii 2012 ku guulaysatay koobkan ayaa aad u adkaysay difaaceeda maadaamaa ay goolkii labaad heleen.

Si kasta ciyaartu ha ahaatee waxaa weerar aan loo kala harin soo qaaday kooxda Qaran oo doonaysay in ay iska soo gudo goolkan lagu hoggaaminayay, inta badana waxay hujuum aan loo kala harin ku qaadeen dhinicii kooxda Dahabshiil Norway.

 

Weerar iyo weerar celis kaddib ayaa  mar kale kooxdii Dahabshiil Norway u suurta gashay in ay goolii 3 dexaad ay halkaa ka dhaliyaan, waxaana 3da goolba u saxiixay laacibka Abdirashiid Caddaay oo isagu halkaas ku guddoomay biladdii  gool dhaliska intii ay ciyaarahani socdeen.

 


Ciyaartaasina waxay ku soo idlaatay 3 Dahabshiil Norway , 1 Qaran Sweden, halkaana waxaa  koobkii ku hantiyay kooxdii ka socotay Dahabshiil Norway oo sugaysay hanashada koobkan mudo 15 sanadood ah.

 

Waxaa kooxda Dahabshiil Norway koobka guddoonsiiyay gudoomiyaha Ururka SEUKI  Mr Faysal Faarax Makaraan una hambalyeeyay dhammaan kooxihii iyo taageerayaashii ka soo qayb galay intii ay ciyaarahaasi socdeenba.

 

Haddaanu nahay  bahda saxaafadda Norway waxaan leenahay Kooxda Dahabshiil Norway hambalyo guusha aad u soo hooyseen shacab weynaha Soomaliyeed ee ku nool dalka Norway.








Mahad Turbashaah.

[email protected].

Stockholm, Sweden













Click here
7/9/2013 2:23 PM EST
Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay maanta xafladda maalinta xorriyadda dalka Koofurta Suudaan oo ay u dabaaldagtay sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadooda qaateen, iyadoo ay ka qaybgaleen madax kala duwan oo Qaaradda Afrika ka socotay sida madaxweynayaasha Ugandha, Rwanda, Botswana iyo mas’uuliyiin kala oo ka socday dalalka Afrika qaarkood.

7/9/2013 11:58 AM EST
Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaya madaxa hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR, Antonio Guterres.

7/9/2013 11:54 AM EST
Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Jaalliyadda reer Jowhar ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Britian ayaa xaflad soo dhaweyn ah xalay ugu sameeyay magaaladaas guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha, arrimaha bani'aadannimada, haweenka iyo carruurta baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

7/9/2013 9:00 AM EST
Talaado, July 9, 2013(HOL)-Iyadoo dunida Muslinka caam ahaan laga soo dhaweenayo bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa gobolka Minnesota lagu qabtay kulan Muxaadarooyin ah oo isagu jiro khayrka bishan ay xanbaarsantahay iyo danbi dhaafkeeda.

7/9/2013 8:06 AM EST
Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib safar ay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa ka warbixiyay safarkooda, isagoo sheegay in waxybaahihii uu kala hadlay shacabka ku nool degmadaas ay isku afgarteen.

7/9/2013 7:48 AM EST
Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan, isagoo u jeediyay khudbad uu kula dar-daarmay Jaaliyadda.

7/9/2013 5:00 AM EST
Talaado, July 09, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay gaadiid nooca raaxada oo ay wateen askar ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoona qaraxaasi uu sababay dhaawacyo soo gaaray laba askari.

7/9/2013 3:32 AM EST
Talaado, July 09, 2013(HOL) :- Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo kula jirto Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah hogaamiyaasha sare ee Al-shabaab.