3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo u dabaal-degtay Sannad-guuradii Koowaad ee kasoo Wareegtay Aasaaskeeda (SAWIRRO)


Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-dagtay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay, iyagoo magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay kusoo ban-dhigeen waxqabadkooda muddadii sanadka ahaa ee ay jireen.

Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta rugta ganacsiga ayaa waxaa kasoo qayb-galay, ganacsato, aqoon-yahanno, shirkadaha ganacsiga dalka iyo mas'uuliyiinta rugta ganacsiga, waxaana xubnihii munaasabadda ka hadlay ay soo dhaweeyeen wax-qabadka rugta ganacsiga muddadii ay jirtay.

Rugta Ganacsiga ayaa mudadii sanadka aheyd abuurtay xiriiro caalami ah, iyadoo ay dib ula soo noqotay xubinimadeedii Rugaha Ganacsiga Caalamka, isla markaana heshiisyo caalami ah la soo gashay Rugaha Ganacsiga dalalka deriska iyo kuwa caalamka.

Agaasimaha guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdi Abshir Dhoore ayaa ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii rugta u qabsoomay sanadkii ay jirtay, isagoo sheegay inay abuurtay xarun loogu hagaago ganacsiga dalka Soomaaliya, haddii ay ahaan lahayd mid iib-geyn iyo maal-gashi intaba.

Cabdi Abshir Dhoore ayaa sidoo kale sheegay inay soo nooleeyeen xiriirkii ganacsi ee Soomaaliya ay la lahayd caalamka intiisa kale, isla markaana ay heshiisyo lasoo galeen shirkado ganacsi oo caalami ah.

Dadkii ka hadlay munaasabadda oo talooyinka dhiibtay ayaa waxaa ka mid ahaa: ganacsadaha Xuseen Goley, Cabdirashiid Il-qayte iyo kuwa kale oo ka sheegay munaasabadda inay soo dhaweynayaan waxqabadkii Rugta, balse ay doonayaan inay ku darsadaan fikir ah in la bixiyo deymaha lagu leeyahay Rugta Ganacsiga.

Madaxa qaybta farshaxanka iyo dalxiiska ee rugta ganacsiga oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed fursado laga siiyo howlaha rugta ganacsigu qabato, iyadoo markaana xustay in haweenka kaalin lixaad leh ay kasoo qaadato horumarinta ganacsiga dalka.

Prof. Mahad-alle oo ka mid ahaa aqoon-yahannadii munaasabada lagu casuumay ayaa sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqay shirkad ganacsi isla markaana diyaar u yahay inuu xubin ka noqdo sannadka soo socda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Cabdikariim Maxamuud Gabeyre oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in halkii sanadka ahayd ee howshan ay  hayeen ay guulo la taaban-karo ay ka gaareen gudaha iyo dibadda dalka, isagoo caddeeyay in muuhimad gaar ah ay siinayaan ganacsiga dalka iyo maal-gashi loogu sameyn lahaa.

Sidoo kale, Gabeyre ayaa sheegay in Rugtu ay ku guuleysatay in dib loo soo celiyo dhoofintii xoolaha nool, isla markaana maxjarkii xoolaha la dar-dar geliyo, wuxuuna tilmaamay in meesha kaliya ee xoolaha laga dhoofin jiray ay ahayd dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

Wuxuu intaas ku daray in Rugta Ganacsiga ay dib ula soo noqotay xubintii rugaha ganacsi caalamka, isagoo tibaaxay in wax weyn ay ka qabteen sare u qaadidda xiriirka arrimaha dibadda ee dhinaca Ganacsiga, isagoo xusay inuu soo dhaweeyay in dalka maal-gashi lagu sameeyo.

Ganacsiga Soomaaliya ayaa xilliyo kala duwan soo maray, iyadoo mudadii burburka dalka ku jiray ay ganacsatadu si aad ah ugu dhabar adaygeen horumarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/6/2013 11:57 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa wafdigan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

7/6/2013 9:48 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo ayaa manta ka billowday Muqdisho, iyadoo ay booqdeen maanta isbitaallada ay ku jiraan xubno ka socda ururrada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

7/6/2013 7:59 AM EST
Inkastoo xukuumadda Kenya aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xumaanshaha xiriirka diblamaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddana wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya aad looga dareemayaa halka uu gaaray xiriirka labada dal.

7/6/2013 7:26 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Wafti ka kooban wasiiro iyo xubno labadda gole Baarlamaan ka kooban, ayaa shalay u anbaxay dalka Turkiga si ay u fuliyaan ballantii hore loogu qabtay in saddex bilood ka dib la bilaabo wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

7/6/2013 2:45 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Tartan Qur’aanka akhris ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa halkaas lagu soo gabgabeeyay, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiiyay afartii arday ee kaalinta hore ka galay tartankaas.

7/6/2013 2:10 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.

7/6/2013 2:09 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ka mid ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool shalay oo Jimco ahayd.