3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Dagaal Culus Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanno ka Tirsan Bakool

Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ka mid ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool shalay oo Jimco ahayd.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaalia ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku suganayeen xoogag ka tisran Al-shabaab, waxaana uu dagaalkan socday muddo saacado ah.

“Ciidamada dowladda waxay weerar ku qaadeen kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Jano-weyn oo 45-km u jira degmada Ceelbarde, waxaana halkaas kaga dilnay saddex qof oo mid ka mid ah uu dhaawac uga dhintay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Mayow (Tall) oo warbaahinta la hadlay.

Dad ku sugan deegaannada lgu dagaalamay ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna arkeen maydadka afar qof oo ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray, inkastoo khasaaraha uu intaas ka badan karo.

Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in qorshahoodu uu ahaa inay ka kiciyaan Al-shabaab deegaan biyo leh ayna u saaraan goobo oomanayaal ah taaska ay ku guuleysteen, wuxuuna xusay in ciidammo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Rooboow oo uu khilaaf kala dhexeeyo hoggaamiyaha Al-shabaab uu ku sugan yahay deegaan ku dhow degmada Ceelbarde.

“Sheekh Mukhtaar iyo ciidmmo uu hoggaaminayo oo kasoo goostay kooxda Al-shabaab ayaa ku sugan gobolka, hadda wax dagaal ah oo naga dhexeeya ma jirto, waayo waxaa la yiri cadowgaada - cadowgiisa waa saaxiibkaa, ma jiro wadahadal na dhexmaray, balse waxaan qabnaa inaan dagaal kula jirno ciidamada Axmed Godane,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Tall.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Bakool wuxuu sheegay in dhowr jeer oo hore ay xoogagga Al-shabaab soo weerareen degmada Ceelbarde oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, qorshahanna uu ahaa mid falalkaas looga hortagayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/6/2013 11:57 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa wafdigan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

7/6/2013 11:30 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-dagtay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay, iyagoo magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay kusoo ban-dhigeen waxqabadkooda muddadii sanadka ahaa ee ay jireen.

7/6/2013 9:48 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo ayaa manta ka billowday Muqdisho, iyadoo ay booqdeen maanta isbitaallada ay ku jiraan xubno ka socda ururrada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

7/6/2013 7:59 AM EST
Inkastoo xukuumadda Kenya aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xumaanshaha xiriirka diblamaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddana wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya aad looga dareemayaa halka uu gaaray xiriirka labada dal.

7/6/2013 7:26 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Wafti ka kooban wasiiro iyo xubno labadda gole Baarlamaan ka kooban, ayaa shalay u anbaxay dalka Turkiga si ay u fuliyaan ballantii hore loogu qabtay in saddex bilood ka dib la bilaabo wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

7/6/2013 2:45 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Tartan Qur’aanka akhris ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa halkaas lagu soo gabgabeeyay, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiiyay afartii arday ee kaalinta hore ka galay tartankaas.

7/6/2013 2:10 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.