4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Al-shabaab oo xukun ka tuuristii Mursi ku tilmaamay inay caddeyn u tahay in Ururrada Islaamka aan loo ogoleyn Xukun

Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo ka hadasha xukun ka tuuristii madaxweynihii Masar, Maxamed Mursi ayaa sheegay inay tusaale u tahay in awoodda dalkaas oo dhan ay gacanta ugu jirto ciidamada, ururrada Islaamiga ah aan loo ogoleyn inay xukun qabtaan.

War ay Al-shabaab ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayay ku sheegtay in arrintan ay caddeyn buuxda u tahay in urrurada Islaamiyiinta ah ee dunida ka jira aan loo ogoleyn inay xukun qabtaa, xitaa haddii ay ku yimaadaan si dimuqraadiyad ah.

“Tallaabada ay ciidamada Masar qaadeen waa mid ay dunida ku tusayaan in xaqiiqadu ay tahay sida ay sameeyeen, waxay uun yaqaanaan inay wax ku bedelaan xabbad, laakiin ma yaqaanaan cod,” ayay Al-shabaab ku tiri war ay ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi ayaa wuxuu ka socday xisbi ay leeyihiin ururka ikwaanul muslimiin, isagoo markii uu xukunka ka tagayay ku boorriyay taageerayaashiisa inaysan xukunka laga eryay uga jawaabin rabashado iyo dagaal.

Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia, tan iyo markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ka saaray magaalada Muqdisho muddo laga joogo 22-sano.

“Walaalaha muslimiinta waxaa looga baahan yahay inay tusaale ku qaataan casharkan oo qayb ka ah taariikhda, sida in xukunka laga tuuray qof si cad oo dimuqraadiyad ah lagu soo doortay, waxaana ka horreeyay xukuumadii Al-Jeeriya iyo Hamaasta Falastiin,” ayay kooxda ku sheegtay warka ay soo daabaceen.

Ururka Xamaas oo ka taliya marinka Gaza ee dhulka Falastiin ayaa waxay dunida kala kulmeen go’doomin, kaddib markii ay ku guuleysteen doorasho laga qabtay Falastiin. Sidoo ururka Islaamiga ah ee Al-jeeriya ayaa 1992-kii ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday, taasoo keentay in loo diido inay xukunka qabtaan.

“Markii ururka ikhwaanul muslimiin ah ay ka tooseen hurddo muddo dheer ay ku jireen oo ay xaqiijiyeen kaalintooda ay wax kaga bedelayeen dalka Masar ayaa xukunka laga tuuray. Hoggaamiyahoodiina maalin dambe arki maayo ifka nolosha,” ayay kooxda Al-shabaab ku sheegtay qoraalkeeda.

Madaxweynihii dalka Masar, Mursi ayaa xukunka laga tuuray Arbacadii lasoo dhaafay isagoo xafiiska ku sugnaa muddo sannad ah, iyadoo xilka madxnimo ee dalkaas si KMG ah loogu dhaariyay guddoomiyihii maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee dalkaas, Cadli Mansuur.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Masar oo dadku ay si xor ah u soo doortaana, waxaana go’aanka xukunka looga tuuray kasoo horjeestay dalal badan oo uu Mareykanka ka mid yahay, sidoo kalena waxaa kasoo horjeestay ururka Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya