4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Ciyaarihii Kubadda Cagta ee lagu xusayay Maalmaha Xorriyada Somalia oo lagu soo gaba-gabeeyay Gobolka Minnesota


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Waxaa garoonka kubadda cagta ee Central High School ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota lagu soo gaba-gabeeyay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ciyaarahan ayaa ahaa kuwii 10-aad ee lagu xusayay toddobaadka xoriyadda Soomaaliya iyo Mareykanka, taasoo uu mar walba uu soo qaban-qaabiyo ururka horumarinta dhalinyaradda oo loo yaqaan SAYEC oo xaruntiisu tahay gobolka Minnesota.

Ciyaartii finalka ahayd oo shalay oo Khamiis ah dhacday ayaa waxaa isaga horyimid kooxaha TC iyo Halgan, kuwaasoo kasoo dhex-baxay 16 kooxood oo tartankan ka qaybqaadanayay.

Kooxaha ayaa waxay garoonka lasoo galeen ciyaar aad u wanaagsan, iyadoo kooxba kooxda kale ay iska difaacaysay inay goolal ka dhaliso, iyadoo ay ku soo gabgabowday qaybtii hore ee ciyaarta 1-0, iyadoo goolka ay lahayd kooxda Halgan.

Markii la isugu soo laabtay qaybta labaad ee ciyaarta ayaa koox walba waxay soo bandhigtay ciyaar wanaag aad loo jeclaystay, waxaana iyadoo ay kooxda TC keensatay gool, taasoo ciyaarta ka dhigtay bar-barro 1-1 ah.

Gabagabadii ciyaarta oo lix daqiiqo ka dhinnayd ayaa waxaa kooxdii TC ay la heshay goolka kooxda Halgal goolkii guusha, waxaana ciyaarta ay noqotay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda TC, halka kooxda Halgan ay kala baxday garoonka goolkii ay dhalisay qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda TC oo ciyaarahan ka qaybgeli jirtay ayaa waxay guushan u noqotay tii ugu horreysay oo ay koobka ku hanato, waxaana garoonka ay ka dhigeen dabaal-dag ay ku muujinayaan inay koobkii ku guuleysteen.

“Farxad ayay noo tahay hanashada koobkan, waana Alle mahaddii inaan ku guuleysannay koobkan, waayo dadaal badan ayaan u soo galnay,” ayuu yiri tababaraha kooxda TC, Macallin Carab oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu dhammaatay.

Ciyaarta kubadda kacgta waxaa bar-bar socday ciyaaro kale oo kala duwan oo ay ku tartamayeen dhalinyaro ay da'duudu u dhaxayso 14 ilaa 7  jir, tartankaas oo kala ahaa  orodka 100 mitir, 400 mitir, Jawaan ku orod iyo xarig Jiitan

Hay'adahii gacanta ka gaystay qabsoomidda tartankan ayaa waxaa goobta lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan, sidoo kale waxaa abaal-marinno kala duwan la guddoonsiiyay goolhayahii, ciyaaryahankii iyo tababarihii ugu wanaagsanaa intii ay ciyaartu socotay.

Sannadkan ayaa waxaa ciyaarahan kasoo qaybgalay macallimiin iyo gar-soorayaal laga xusi karo, Macallin Suudaani, Qolof, Aways Fuundi, Macallin Qariidi, C/samad Minishiibiyo, Cabdi Cali, Cabdi Yuusuf iyo Maxamed Muuse, oo dhammaantood ahaa dad magac ku lahaa isboortiga Soomaaliya.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota