4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Kawada Hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida

Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xukuumadaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa kawada hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalkaas loo geysto, iyadoo kulan arrintaas ku saabsan ay magaalada Pretoria ay ku yeesheen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Barroow oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa ka dalbaday wasiir ku xigeenka wasaaradda xiriirka caalamiga ah ee dalka Koonfur Afrika Ibraahim Ibraahim in dowladdiisu ay qaaddo tallaabooyin lagu badbaadinayo Soomaalida dalkaas ku nool, gaar ahaan dukaanleyda oo si gaar ah loo beegsado.

“Waxaa in badan ka hadalnay sidii loo dhammeyn lahaa dhibaatada lagu hayo Soomaalida Koonfur Afrika ku nool… waxaana isku waafaqnay in la qaado tallaabooyin dhaqso ah si aanay dhibaatooyin kale u dhicin,” ayuu yiri Jamaal Barrow oo la hadlayay warbaahinta Koonfur Afrika, kaddib kulankii uu Ibraahim Ibraahim kula yeeshay magaalada Pretoria.

Soomaalida ku nool iyo kuwa ganacsiga ku haysta deegaannada ku dhow-dhow magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin ay u geystaan kooxo hubeysan oo burcad ah, iyadoo deegaannada ugu badan ee falalkaan ay ka dhacaan ay yihiin kuwo ka tirsan Johannesburg, Port Elizabeth in the Eastern Cape.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa markii ay falal dhibaateyn ah dhacaan waxay soo qabqabtaan dad lagu tumayo, inkastoo la sheegay inay xilli dambe iska sii daayaan, taasoo aad uga careysiisay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

“Soomaalida halkan ku nool waan la kulmay waxayna ii sheegeen inay dib ugu laabanayaan dalkooda oo ay halkan isaga cararayaan,” ayuu Barrow u sheegay warbaahinta Koonfur Afrika, isagoo intaas ku daray in Soomaalidu ay sheegayaan dhibaatooyin badan oo lagu hayo.

Beegsiga ganacsatada Soomaalida ah ayaa lagu macneeyay inay sabab u tahay iyagoo dukaamo ku haysta deegaannada ay daggan yihiin dadka aan waxba haysan ama faqriga ah ee dalkaas ku nool, taasoo keenta in weerar lala beegsado in hantida looga dhaco.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xiriirka caalamiga ah ee dalka Koonfur Afrika Ibraahim Ibraahim oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ka heleen xukuumadda Soomaaliya qoraal ay ku dalbanayso in Soomaalida ku nool Koonfur Afrika la siiyo sharciyo ay dalka ku joogaan si ay goobaha uu ka jiro amniga uga shaqeystaan.

“Aad ayaan uga xunnahay in dhibaato loo geysto Soomaalida dalkan u timid inay helaan nolol wanaagsan… waxaan codsanayaa in walaalaheenna halkan yimid ee Soomaalida ah la badbaadiyo, waayo iyaguna waxay na tageereen xilligii aan ku jirnay maalmaha xilliyadii madoobaa ee midab-kala-sooca,” ayuu yiri Ibraahim Ibraahim.

Sidoo kale, Ibraahim Ibraahim ayaa yiri: “dowladda Koonfur Afrika waxaa ka go’an inay taageerto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya… si dhow ayaana ula shaqeynaynaa, waxaana diyaar u nahay inaan ka qaybqaadanno fulinta lixda qodob ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Somalia.”

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Afrika, Naledi Pandor iyo sidoo kale ku xigeenka wasiirka booliiska, Maggie Sotyu, isagoo kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida lagu hayo.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo u tagay halkaas si ay ganacsiyo uga sameystaan waxna uga bartaan, iyadoo tan iyo markii ay halkaas tageen la kulmayay dhibaatooyin isugu jira dilal fool xun, dhac joogto ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya