4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Ololihii Doorashooyinka Puntland oo Galay Wareeggii Labaad iyo Askar fara badan oo Maanta la dhoobay Boosaaso (SAWIRRO)


Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu guda jiro wareegii labaad ee ololaha doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland, islamarkaana maanta uu ku qornaa ururka xukuumadda ee HORSEED, ayaa waxaa ciidamo aad u tira badan lasoo dhoobay jidadka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

Boqollaal askari oo isugu jira ciidamada badda, kuwa ilaalada madaxtooyada iyo booliska degmada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arki karey waddooyin ay kamid yihiin: jidka gala garoonka diyaaradaha, laamiga mara bartamaha magaalada, jidka madaxtooyada iyo agagaarka xarumaha waaweyn ee dowladda.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay, islamarkaana ka gaabsaday in magacyadooda la baahiyo, ayaa sheegay in sababta ciidamada tirada badan maanta magaalada loosoo dhoobay ay tahay, kaddib markii laga baqay in uu magaalada Boosaaso ka dhaco dibad bax ballaaran oo ka dhan ah ololaha ururka Horseed.

Dhinaca kale, taageerayaasha ururka xukuumadda ee HORSEED oo wata gawaari basas u badan, ayaa iyaga oo kolonyooyin ah, islamarkaana ruxaya boorar ay ku qoran yihiin hal-kudhigyo lagu taageerayo ururka HORSEED iyo cod baahiyeyaal laga daaray heeso waddani ah, waxay kusoo wareegeen inta badan xaafadaha magaalada.

Garoonka kubadda cagta ee Boosaaso (Isbartiimada) ayaa waxaa isugu soo ururay ugu danbeyntii taageerayaasha ururka HORSEED, waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyey mas'uuliyiinta ururka HORSEED ee degmada Boosaaso.

Magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Qardho, Dhahar iyo Garoowe ayaa waxaa iyagana sidan oo kale maanta isugu soo baxay taageerayaasha ururka HORSEED, inkasta oo magaalada Gaalkacayo uu ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan, kaas oo khasaare nafeed oo badan geystey.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya