4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo la geeyay Maanta Magaalada Gaalkacyo

Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo - dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay- ayaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dadkan oo ay tiradoodu tahay 25-qof, islamarkaana ay ku jiraan qaar badan oo kamid ah mileeshiyaadkii dagaalamay, waxaa garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacayo keentay diyaarad gaar ah, halkaasoo ay kusoo dhoweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne kala oo badan.

Madaxda xilligii dadkan dhaawaca ah lasoo dejinayey garoonka ku sugneydna waxaa kamid ahaa: wasiirka haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan, Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo duqa degmada Gaalkacayo Col. Axmed Cali Salaad.

Dadka dhaawaca ah ee maanta magaalada Gaalkacyao lasoo gaarsiiyey oo 5 kamid  ah xaaladoodu ay halis tahay, waaxaa intooda badan la geeyey isbitaalka guud ee gobolka Mudug, iyadoo kuwa qaba dhaawacyada halista ahna loo gudbiyey dhinaca isbitaalka gaarka ah ee GMC.

Duqa Gaalkacayo Col. Salaad  oo shir saxaafadeed xafiiskiisa war-fidiyeenka ugu qabtay ayaa sheegay in dadaal badan loo gelayo sidii dadkaas xaaladooda caafimaad loola tacaali lahaa, wuxuuna bulshada ku dhaqan Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudugba ugu baaqay in ay arintaas gacan ka geystaan.

Horay waxaa sidan oo kale magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo xarunta dalka Kenya ee Nairobi loo gaarsiiyey qaar kamid ah dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaallada kasoo cusboonay xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya