4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Wafdi ka socda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Maanta Garoowe kulan kula yeeshay Madaxda Maamulka Puntland


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa maanta kulan ku yeeshay wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (DDSI) oo shalay Garoowe soo gaarey iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.

Kulanka oo ahaa mid muddo saacad ka badan qaatay waxaa dhinaca Puntland uga qayb galay madaxweyne ku-xigeenka ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Jen. C/samed Cali Shire halka ay dhinaca DDSI uga qayb galeen mas'uuliyiin ay kamid yihiin: wasiirka tababarrada iyo xirfadaha Maxamed Faatax Maxamed iyo wasiir ku-xigeenka shaqaalaha Qalbi Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka qayb galay madax dhaqameedka dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya qaar kamid ah, kuwaasoo iyagu qayb ka ahaa wefdiga shalay Garoowe soo gaarey.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac kulankooda iskula soo qaadeenna waxaa kamid ahaa: xoojinta xiriirka labada dhinac, is-dhaafsiga khibradaha dhanka shaqada iyo weliba xoojinta heshiis ay sanadkii hore labada madaxweyne ee Puntland iyo DDSI ku kala saxiixdeen magaalada Jigjiga.

Madaxwne ku-xigeenka Puntland oo kulanka kaddib si kooban war-fidiyeenka ula hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan booqashada wefdiga DDSI ka socdaa ay Puntland kusoo gaareen, wuxuuna intaas raaciyey in ay tahay markii ugu horeysey ee wefdi heerkan gaarsiisan oo ka socda dhinaca Jigjiga ay Garoowe soo gaaraan.

Wasiirka tababarrada iyo xirfadaha ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Maxamed Faarax Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in  ay aad ugu faraxsan yihiin safarka shaqo ee  ay xilligan kusoo gaareen Puntland, isagoo xusay in booqashooyinka noocan ahi ay noqonayaan kuwo joogto ah.

Wafdiga ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ka kooban wasiirro iyo isimmo waxaa la filayaa in maalmaha soo aaddan ay u gudbaan dhinaca magaalada Qardho, halkaas oo uu ka dhici doono aaska Boqor C/laahi Boqor Muuse oo isniintii lasoo dhaafay ku geeriyoodey dalka Finland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya