4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Ururka SYAO oo qabtay kulan looga hadlayay sidii Dhallinyarada Somaliland ay ku heli lahaayeen Shaqooyin (SAWIRRO)


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYAO ayaa Muqdisho kula qabtay kulan lagu taageerayay sidii dhallinyarada Somaliland kasoo jeeda ee Muqdisho ku sugan ay fursado shaqo uga heli lahaayeen hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah, iyadoo kulankan lagu soo beegay shalay oo ahayd maalintii xoriyadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay ku dhawaad 200 oo dhallinyaro ah oo ka kala yimid gobollada maamulka Somaliland, kuwaasoo labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho si ay fursado shaqo uga helaan dowaldda Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka ah, iyadoo intooda badan aysan weli heli wax shaqooyin ah.

Dhallinyaradan oo intooda badan ka yimid magaalada Hargeysa ayaa xusay inay kasoo baxeen jaamacado iyo dugsiyo sare, laakin fursadaha shaqo oo ka jira deegaannada Somaliland aysan ku filnayn, sidaa daraadeedna ay u yimaadeen Muqdisho.

Suldaan Kamaal Xasan oo ka mid ah ugaasyada reer Somaliland kana mid ahaa salaadiintii soo xulay xildhibaannadi gobollada Waqooyi ee ka midka ah  baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb-galay barnaamijka loogu magac daray “Kulanka taageerada dhallinyarada Somaliland, ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay in dhallinyarada Somaliland ay yimaadaan Muqdisho si ay fursado shaqo uga raadsadaan.

“Dowladda waxaan uga baaqayaa in dhallinyarada Soomaalinimada ay la weyn tahay ee Xamar u soo shaqo raadsaday la tixgaliyo oo fursadaha shaqo ee dowladda si siman loo wadaago,” ayuu yiri Suldaan Kamaal oo sidoo kale mahad u celiyay hay’adda SYAO oo soo abaabushay kulankan.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Cali Timo-jilic oo ka mid ah mas’uuliyiinti axsaabta dalka, Ugaas Bashiir, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka iyo madaxda xafiiska SYAO Muqdisho.

Ururka SYAO ayaa tan iyo bilowgii sannadkan wuxuu sameynayay daraasad ku saabsan dhallinyarada Somaliland ee shaqada u soo raadsada magaalada Muqdisho,  iyagoo mas’uuliyiinta ururka ay sheegeen in daraasaddan ay goor dhow shaacin doonaan.

Kulankan oo isugu jiray dabaal-degga maalmaaha xorriyadda iyo kulan lagu taageerayo in dhallinyarada Somaliland fursado shaqo ay ka helaan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweynaha Somaliland uu ka furay Hargeysa shir Qaran oo looga hadlayo sidii ay shaqo ku heli lahaayeen dhallinyarada Somaliland.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya