4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan billow u ah kulammo socon doona muddo 30-casho ah

Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan ka duwan kuwii hore oo soconaya muddo bil ah, kaddib markii uu dhawaan sidaas ka codsaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kalfadhigan ayaa waxaa looga doodi doonaan hindise sharciyeedyo ay horay ugu soo gudbisay baarlamaanka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo lagu wado in inta kulammadan socdaan ay xildhibaannadu ansixiyaan hindisayaashaas.

“Fadhiga baarlamaanka ee maanta billaabanaya wuxuu socon doonaan hal bil, waana mid uu codsaday madaxweynaha Soomaaliya maadaama lagu jiro fasaxii baarlamaanka ee labada bilood ahayd,” ayuu yiri xidhibaan Maxamed Cumar oo ah xoghayaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay ku mahadsan yihiin ogolaashaha codsiga madaxweynaha uu u soo gudbiiyay, ayna doodo ka yeelan doonaan inta kulanka socdo meel-marinta sharciyada.

“Hindisayaasha horyaalla baarlamaanka waxaan ka mid ah midka arrimaha dibadda, la dagaalanka argagaxisada, sharciga kalluumeysiga iyo kuwo kale oo fara badan, dhammaantoodna waxaa lagu wadaa in kulankan lagu meel-mariyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kulanka maanta ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor lasoo xiray kal-fadhigii labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu shir-guddoomin doono kulanka maanta guddoomiiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Fadhiga aan caadiga ahayn ee xildhibaannada baarlamaanka u furmaya maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan tan iyo markii ay howlahooda billaabeen xildhibaannada baarlamaanka bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya