4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta dib u celiyay sharciga Gar-doon oo Maalmihii lasoo ay ka doodayeen

Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday hindise-sharciyeedka Gar-doon oo ay soo gudbisay wasaarada cadaalad, owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay inta badan mudanayaashu u codeeyeen diidmada sharcigan.

Sharcigan ayaa waxay ka doodayeen xildhibaannada baarlamaanka labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo mudanayaasha qaarkood ay sheegeen inaysan garanayn macnaha dhabta ah ee sharcigan.

Guddoomiyaha guddiga cadaalada iyo garsoorka baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Sadiiq ayaa intii aan sharcigan codka loo qaadin u akhriyay xubnaha baarlamaanka qodobbo ka mid ah sharcigan oo ay isbedel ku sameeyeen.

“Xafiiska Gar-doon waa mid u shaqeynaya bulshada, waana mid howshiisu ay tahay inuu cabashadooda u gudbiyo madaxda sare ee dalka cabashooyinka ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaan ku kordhinay fikrado ay soo gudbiyeen 30 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga oo sheegay inuu rajeynayo in xildhibaannadu ay meel-mariyaan.

Intaas kadib waxaa cod geliyay sharcigan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo ahaa shir-gudoomiyihii kulankii maanta ee baarlamaanka oo ka mid ah kulamada aan caadiga ahayn ee baarlamaanku uu yeelanayo bishan July.

Mudane Iikar oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay 106 ka mid ah xildhibaanadii codeeyay ay diideen sharcigan, iyadoo ay ogolaadeen 49-xildhibaan, ayna ma aamuseen 10 xildhibaana ay ka maamuseen. iyadoo uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in sharcigan uusan ahayn mid ansax ah oo dib loo celinayo.

Sida uu qabo dastuurka dalka waxaa dib loosoo celin karaa sharcigan lix bilood kaddib, iyadoo hindise-sharciyeedkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya dib u celiyeen.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamadoodan  aan caadiga ahayn waxay kaga doodayeen hidise-sharciyeedyo ay xukuumada Somalia u soo gudbisay, kuwaasoo qaarkood ay horay u ansixiyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya