4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo culummada Somaliland xalay casuumad ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada (SAWIRRO)


Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay casuumad ugu sameeyey culimadda Somaliland xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaas ka hadlay ayaa culimmadda uga mahad celiyay siday u soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay, waxaanu sheegay inay ixtiraam iyo sharaf weyn u hayo culimadda.

“Waxaanan u arkaa sharaf weyn inaad soo ajiibteen oo noo timaadeen. Runtii marti-qaadkani waxa uu naga daaran yahay ixtiraamka iyo qadarinta aanu u hayno culimmadda iyo annaga oo ay noogu muuqato inaanay culimmada la’aantood iyo wada shaqayntooda la’aantood dalka iyo dadkaba waxba inooga hagaagayn.”ayuu yidhi madaxweyne siilaanyo oo la hadlayey culimadda. Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu culimadda la shaqayno oo la tashano oo wixii aa’raa ah iyo wanaag ah ka wada shaqayno. Dalkeenu waa dal muslim ah iyo ummad muslim ah, waana ummad jecel wanaagga, waana ummad jecel inay if iyo aakhiraba horumarto oo wax anfaca ku dhawaaqdo.”

“Arrintaas ayaa nagu aj-buraysa inaanu ku hoggaamino dalka oo culimmadda dalka la tashano oo hadba wixii arrin ah ka tallo gelino. Waxaan idiinka mahad celinayaa tallooyinka qiimaha leh ee wax ku oolka ah ee aad soo jeediseen. Waxa kale oo aan idiinka mahad naqayaa taageeradda aad noo fidiseen,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo ka mid ahaa culimaddii waaweyn ee reer Somaliland ayaaa madaxweynaha uga mahadceliyey casuumadoodda.

“Waxaan Madaxweynaha ku ammaanayaa inuu Golihiisa xukuumadda ku soo daray ashkhaas mucaarid ah oo ka soo horjeeday, taasina ay tahay geesinimo weyn. Waxaanan u arkayaa inay ka turjumayso inaad wax toosiso,”ayuu yidhi Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.

“Madaxweyne, Marka u horaysa waxaan kugu hambalyaynaynaa idaacadda FM-ta ah ee quraanka kariimka ah ee bishan Ramadaan la bilatay ee dalka laga furay. Waxaan rajaynayaa idaacadani Hargeysa ayay maraysaaye’ inay dalka oo dhan wada gaadho. Waxay faa’iido ka tahay haddii ummadda quraanku ku baxo oo meel walba gaadho gabadh dambe oo jin innaga gallo arki mayno. Waana halka wacdiga iyo wax toosinta ummadda laga hagayo.”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi oo si balaadhan usoo dhoweeyey culimadda.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland