4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland oo Qaarkood lagu Gubay Sanaadiiqdii iyo Warqadii codka lagu dhiibanayay [SAWIRRO]


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaa maanta lagu gubey sanaadiiqdii iyo waraaqihii doorashada ee loogu tala galay in maalinta berri ah ay dadku codkooda ku dhiibtaan.

Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Qardho ayaa kamid ah gooba ay dadku carada kala hortageen gaadiidkii sidey sanaadiiqda iyo waraaqaha doorashada, inkasta oo magaalada Gaalkacayo aysan maanta wax rabshad ah oo dhiig ku daatay ka dhicin.

Haseyeeshee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo maanta uu dagaal xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday, islamarkaana khasaare nafeed oo badan geystey ka dhacay, ayaa qayb ka ahayd magalooyinka lagu gubey sanaadiiqda doorashada.

Gaari nooca raaxada ah oo kamid ahaa labo gaari oo maanta sanaadiiqda cod-bixinta magaalada Qardho keenay, ayaa gacanta u galay boqollaal dadweyne ah oo dhigayey dibadbax ka dhan ah doorashada goleyaasha deegaanka oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid khasab ah. Dibadbaxayaasha ayaa goob fagaare ah ku gubey sanaadiiqdii iyo waraaqihii cod-bixinta.

Degmooyin kale oo ka tirsan gobollada Karkaar, Bari iyo Mudug oo ay ku jiraan: Rako-raaxo, Bender-Bayla, Bur-saalax iyo toolooyin yaryar oo ku yaalla bariga ah ayaa laga diidey in sanaadiiqda doorashada le geeyo, iyadoo meelaha qaar oo ay degmada Rako kamid tahayna ay ka dhacday rasaas aan wax khasaare ah geysan oo lagu furay ciidamadii gelbinayey gaadiidka wada sanaadiiqda doorashada.

Xiisadda doorashada ayaa ah waxa ugu weyn ee ay maanta dadku hadal hayaan, waxaana goobaha lagu shaaheeyo iyo meelaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan dhamaantood ay dadku aad isaga wareysanayaan doorashada, iyadoo qaarkood ay saadaal fiican ka muujinayaan qaarka kalena ay tilmaameen in ay tahay wax aan qabsoomi karin.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya