4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo kulankoodii Maanta ku Meel-mariyay Sharciga Warbaahinta Dalka

Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku meel-mariyeen sharciga ay ku dhaqmayso warbaahinta dalka (Media Law).

Kulanka oo uu shi-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale warbixino looga dhegeystay wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiint, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiiradda adeegga bulshada, Maryam Qaasim Axmed, kuwaasoo safarro ku tagay dalal dhowr ah oo ay lasoo galeen heshiisyo horumarineed.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta mudane Ciilmooge, isagoo xusay in goluhu ay ka dooday qodobbo dhowr ah oo ay ugu horreysay sharciga warbaahinta, taasoo falanqeyn dheer kaddib si buuxda loo meel-mariyay.

“Sida aad la socoteen, kulan ballaaran ayaan isugu yeernay qaybaha kala duwan ee warbaahinta 09-kii Febraayo, waxaana u soo bandhignay howl-wadeennada iyo madaxda warbaahinta dalka sharci lagu maareynayo war-baahinta, waxaana weydiinnay taladooda inay ku biiriyaan sharcigan, weyna ku talo-darsadeen. Bishii May bilowgeedii ayaan ka helnay wixii talo ah ee ay bixiyeen waanan ku darnay,” ayuu yiri wasiirka oo xusay in qodobbada ugu badan ee sharcigani dhigayo ay yihiin kuwii ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta dalka si sharcigani u noqdo mid dhaqan-gal ah oo aan waxba u dhimin dadka ku howlan mihnada saxaafadda.

“Runtii marar badan ayaa waxaa dhacday in lagu xad-gudbo shuruucda war-baahinta, dowladduna wax tallaabo ah ma qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid kasta ay u hesho xaquuqdeeda,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafita oo guul ku tilmaamay meel-marinta sharcigan, si deg-deg ahna loogu gudbin doono golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay u sharciyeeyaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in xayiraaddii garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde International oo muddo 20 sano ah saarnayd laga qaaday uuna hadda ka mid yahay garoommada caalmiga ah ee calaamka, ayna diyaarado caalami ah kusoo degi karaan. Isagoo xusayin Air Uganda ay duulmaadyo ka billowday Muqdisho.

Dhanka kale, wasiiradda horumarinta adeegga bulshada, Maryam Qaasim oo iyadna safar ku tagtay dalka Turkiga ayaa golaha uga warbixisay heshiis ay lasoo saxiixatay dawladda Turkiga; kaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaana caafimaadka. Iyadoo xustay in dhawaan la howlgelin doono Isbitaalkii Digfeer kaasoo ay dawladda Turkigu dayactir iyo ballaarin ku sameysay uuna howl-billaabi doono bisha September ee sanadkan.

“Isbitaalku wuxuu noqon doonaa isbitaalka ugu weyn uguna casrisan geeska Afrika, wuxuuna dabooli doonaa baahida caafimaad ee shacabka,” ayay tiri wasiiradda oo intaasi ku dartay in dadka caafimaadkooda wax looga qaban waayo gudaha dalka looo qaadi doono Turkiga, kaasoo qeyb ka ah heshiiska.

Gabagabadii, golaha wasiirrada ayaa guddi heer wasiir ah u saaray aaska Allaha ha u naxariistee, danjire Sayid Shariif Sheekh Cabdullaahi oo ahaa danjirihii Soomaaliya ee dalka dalka Koofur Afrika, kaasoo Arbacadii shalay ku geeriyooday magaalada Pretoria, waxaana berri aas Qaran loogu sameyn doonaa dalka gudihiisa iyadoo meydkiisa la keeni doono garoonka Aadan-Cadde si madaxda Qaranku ugu tukudaan salaadda janaasada kaddibna loo aaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya