3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Siyaasiyiin Reer Somaliland ah ku dhawaaqay Gole Qaran oo lagu Toosinayo Xukuumada, Buuxinayana Kaalintii Mucaaradka

Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Siyaasiyiiin reer Somaliland ah oo shalay ku dhawaaqay gole oo la magac baxay golaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo Toosinta  Qaranka, kaas oo ka shaqayn doono inuu xukuumadda ku haggo wadadda  toosan.

Golaha ayaa  soo saaray war-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen qodobo ay ku dhaliilayaan xukuumadda, taas oo ay sheegeen inay ka leexatay wixii lagu doortay ka dibna ay siyaasiyiintan la noqotay inay sameeyaan gole cusub oo toosiya, maadaama oo mucaarad dalka ka jirin.

Afhayeenka Golahan Madaxa Banaan ee Wadatashiga iyo toosinta Qaranka  oo ah Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagoweyne) ayaa sheegay in 16 arrimood darteed markii ay arkeen ay la noqotay inay golahan ku dhawaaqeen, kaas oo ay u arkeen inay khatar ku jirto madax banaaniddii Somaliland, waxaana ka mid ahaa qodobadan: 

“Kaddib markii aanu aragnay:

  1. Xalaada guud ee dalku maraayo
  2. Gooni isutaagii iyo qadayadii madaxbanaanida Somaliland oo madmadow la geliyay, isla markaasna dalkii  go’doon laga geliyay beesha caalamka.
  3. Balanqaadyadii ay xukuumadda ku gashay xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda ee 2010 oo aan intoodii badnayd la fulin ama la hirgelin.
  4. Eexdii, qabyaaladdii, musuqmaasuqii iyo hantiboobkii oo maraaya meel aan hore loo arag abid.
  5. Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka Somaliland  laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qaranka.
  6. Taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman oo dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u tudheynin.
  7. Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta, iyo garsoorkii  qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii awoodeed ee dalka
  8. Aragnay wax ka qabasho la’aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba isku-dhacyadda dhexmara.
  9. Niyadjabka, shaqo  la’aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku  habsatay ummadii  Somalilandguud ahaana, gaar ahaana dhallinyaraddii lafdhabarka u ahayd dalkan.
  10. Sida dastuurkii iyo shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.
  11. Wadatashigii & isku tanaasulkii  ay Somaliland ku soo caano maashay intii ay jirtay oo loo bedelay in aan la isku joojin.
  12. Beelihii darafyadda oo ka maqan dhadhaaradii taladda dalka iyo awood qeybsigii.
  13. Caadaalad daradii oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan iyo go’aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.
  14. Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida dekadda, haamaha shidaalka, macjarkii, hey’adii wadooyinka, dayactirka, lacagtii gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos loo hoos geeyay madaxtooyadda iyada oo dano gaar ah loo isticmaalo.
  15. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida shidaadlka, macdanta, kalluunka,iwm. oo si gaar ah loogu takri falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka
  16. Dhimashadii, dhaawicii, dildilaaci, riiqdii, qeybsanaatii, qabyaaladii ay  inaga tagtay doorashadii golaha deegaanka (28/11/2012) ee xukuumada SL musuqmaasuqday ayay ku sheegeen war-saxaafadeedka waxaanay gunaadkiina  soo jeediyeen:

“Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka halis ku jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay dowladuhu ku burburi jireen ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo debediisaba lagamamaarmaan noqotay in loo midooba sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka Qaranimadda .  Sidaasi awgeed waxa abuurmay gole madaxbanaan oo la magac baxay  (GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA).  Waxa la isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabadaha faraha badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.”

Si kastaba ha ahaatee, golahan waxa ku midoobay siyaasyiin bulshadda dhexdeeda laga ixtiraamo, isla markaana aan ku jirin xisbiyada mucaaradka, haseyeeshee waxay arrrintani xasaasiyad weyn ku abuuri doontaa xukuumadda, maadaama oo ay buuxin doonaan kaalintii xisbiyadda mucaaradka ah oo baryahan dambe la moodo inay xukuumaddu gacanta ku dhigtay xisbiyadii mucaaradka ahaa, marka laga reebo xisbiga UCID oo ku kaliyeystay mucaaradka, taas oo maalmihii u dambeeyey ay hawadda isku mariyeen eedo ay iswaydarsanayaan gudoomiyaha Ucid iyo xubno wasiirada ka tirsan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/11/2013 3:16 PM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Barclays Bank oo ah bankiga ugu weyn UK oo lacagaha kaashka ah u kala gudbin jiray xawaaladaha Soomaalida ayaa ku dhawaaqay inuu xiray 100 sanaadiiq xisaabaad ah oo ay ku laahayeen xawaaladaha Soomaaliya, inkastoo tiro yar oo xawaalado ah uu u oglaaday inay weli isticmaalaan bangiga.

7/11/2013 2:57 PM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxa hay’adda UNHCR oo qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo iyadoo aan la raacin sharciayada caalamiga ah ee u dagsan qaxootiga iyo habka loola dhaqmo.

7/11/2013 2:31 PM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada oo todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa dib u habeynta ciidamada iyo sugida amniga ayaa saldhigyo dheeraad ah oo ay ka howlgali doonaan ciidamada booliiska ka hergaliyay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

7/11/2013 10:26 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku meel-mariyeen sharciga ay ku dhaqmayso warbaahinta dalka (Media Law).

7/11/2013 9:43 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah.

7/11/2013 8:41 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ururka Midowga Yurub ka socday oo ay horkacayeen, Erik Solheim oo ahaa wasiirkii horumarinta & iskaashiga caalimga ah ee Norway, haddana ah madaxa arrimaha shirka 16-ka September 2013 lagu qabanayo magaalada Brussels iyo safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya, Michelle Cervone.

7/11/2013 7:43 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa xukun ku riday 15 qof oo ku eedeysnaa ka ganacsiga Tahriibinta dadka. kiiskan oo muddo laba bilood ah dacwadooddu ka socotay maxkamadda Gabiley, ayaa 15 qof oo afar ka mid ahi iyagoo maqan la xukumay, halka 11 kii kalana xukuno kala duwan lagu riday.

7/11/2013 6:05 AM EST
Khamiis, July 11, 2013(HOL) :- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay dowladda Soomaaliya ay mushaaraad u qeybineysay ciidamada dowladda ee ku sugan qeybo ka tirsan gobollada dalka ayaa waxaa maanta lacagahoodii mushaaraadka la gudoonsiiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

7/11/2013 3:51 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo ku sugan magaalada London ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Britain, guddoomiyaha Inter-Parliamentry Union iyo xubno kale.

7/11/2013 2:55 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Xukuumadda Sierra Leone oo ka mid ah dalalka ay ciidamada kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bedeshay taliyihii ciidamadan ka tirsan howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM.