3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Soomaaliya oo lagu ammaanay Shirkii Dhowridda Xuquuql-Insaanka ee Geneva lagu qabtay

Arbaco, July 10, 2013(HOL)—Dowladda Soomaaliya ayaa ammaan ku muteysatay mowqifkeeda ku aaddan difaacidda xuquuqda aadanaha, waxayna ammaantaas ku heshay in ay miiska soo saartay qaraar lagu difaacayo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee la takooro ee loo yaqaano Albinism.
 

Fadhigii 23aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ee lagu qabtay Magaalada Geneza ee dalka Switzerland ayaa meel mariyay qaraar uu soo bandhigay safiirka Soomaaliya u fadhiya QM Ambassador Yusuf Max’ed Ismaciil Bari Bari.

 

Ka hor inta aan lasoo bandhigin qabyo qoraalka ay Soomaaliya wadday ayaa waxaa shirka ka hadlay mas’uulka QM u qaabilsan xuquuqda dadka la jir-dilo Juan Méndez oo sheegay in waxa ku dhacaya dadka qaba cudurka maqaarka caddeeya ay yihiin kuwa xaasidnimo ah oo ka baxsan bani’aadannimada oo aan marnaba loo heli karin wax qiil ah.

 

Daraasaad laga soo saaray dadkani la heyb-sooco ee xanuunkaas qaba ayaa waxaa lagu sheegay in 207 qofood oo xanuunkan qabay lagu dilay 16 waddan oo Afrikaan ah, iyadoo dadka dhibanayaasha ahna ay u badan yihiin carruur. Caruurta qaba xanuunkan ee ku dhasha waddamada Tanzania, Burundi, Nigeria, Ivory Coast, South Sudan iyo Swaziland ayaa ehelladooda cabsi weyn ka muujinayaan in la dilo.

 

Juan Méndez waxaa uu sheegay in dadka qaba cudurka maqaarka caddeeya aan jirkooda la jarjarin oo kaliya balse iyaga oo nool la aaso. Intaa waxaa Juan Méndez ku daray in dadka qaba cudurka maqaarka caddeeya oo dalka Soomaaliya meelo ka mid ah loogu yeero naaneyso ay ka mid yihiin “Bool ama Gaduudow” ay mararka qaarkood deyriyaan qoysaska ay ka dhasheen, taas oo lagu tilmaamay nooca ugu xun ee takoorka.

 

Arrintan oo ah mid aad u xanuun badan ah ayaa waxay keentay in ay dalal badan oo ka tirsan qaarada Afrika ay ka gambadaan sababtoo ah dalalkooda waxaa ka jiro dhibaato lagu hayo dadka qaba cudurka maqaarka caddeeya. Sidaas darteed ayuu Ambassador Yuusuf Bari Bari sheegay in Soomaaliya ay miiska saareyso qaraar lagu difaacayo, laguna hormarinaayo xuquuqda dadkaas. Qaraarkan ayaa waxaa si buuxda u meel mariyay Golaha QM ee Xuquuqul Insaanka taasoo keentay in Soomaaliya oo mar waliba lagu sheego in ay ka jiraan tacaddiyo xuquuqul insaanka ah ay hormuud ka noqotay difaacitaanka xuquuqda dad lagu hayo dhibaato ka baxsan tan dadka loo geysto.

 

Arrintaan ayaa waxaa ay keentay hay’adaha u dooda Xuquuqul insaanka iyo daryeelka dadka dhibaateysan ammaanaan dowladda Soomaaliya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ay waraaqo lagu bogaadinayo loo diray.

 

Peter Ash oo madax  ka ah hay’ad caalami ah oo la yiraahdo Under the Sun oo xarunteedu tahay Canada oo ka shaqeyso difaacitaanka xuquuqda dadka qaba cudurka maqaarka caddeeya ayaa ku ammaanay madaxweyne Xasan Shiikh, dowladdiisa iyo Ambassador Yuusuf Bari Bari dadaalka lixaadka leh ee ay u galeen difaacitaanka xuquuqda dadkan sida weyn loogu xad-gudbo.

 

Tallaabadan wax ku oolka ah ayaa waxay imaaneysaa kaddib markii Soomaaliya sidoo kale ku guuleysatay in ay miiska soo saarto qaraar lagu difacayo xuquuqda aadanaha ee dadka Eritrea, taasoo Golaha uu u riyaaqay balse ka carreysiiyay dowladda Eritrea.

 

Soomaaliya oo mar waliba kaga soo muuqata QM si lo wajaho dhibaato ka jirta dalkeeda ayaa waxaa soo muuqaneysa in dowladda Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadaneyso fagaarayaasha caalamiga ah oo magacii ay ku laheyd uu dib  u soo laabanayo.













Click here
7/10/2013 9:42 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan wanaagsan iyo inay bishan ku dhameystaan cibaadadooda nabadgalyo iyo xasillooni.

7/10/2013 9:13 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Danjirihii Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.

7/10/2013 4:20 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay kormeer kadis ah ku maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawladda, kaas oo aan hore loogu sii sheegin imaanshiiyihiisa madaxweynaha.

7/10/2013 3:14 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa billaabay maanta inay isaga baxaan, iyadoo la arkayo inay ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.

7/10/2013 3:05 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxda Soomaalida ayaa shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bisha barakceysan ee Ramadaan iyagoo ka codsaday inay Alle ka baryaan in dalkooda uu noqdo mid deggenaasho taam ah hela.

7/10/2013 2:40 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulan la qaatay culummada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay ka qaybqaataan sidii shacabku ay uga qayb-qaadan lahaayeen sugidda ammaanka.

7/10/2013 2:28 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.