4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Duqa Muqdisho oo culummada ugu baaqay inay Shacabka ku dhiirrigeliyaan ka shaqeynta iyo ka hortagga Colaadaha

Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulan la qaatay culummada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay ka qaybqaataan sidii shacabku ay uga qayb-qaadan lahaayeen sugidda ammaanka.

Mudane Tarsan ayaa sheegay in culummadu ay yihiin kuwo dhaxlay nabiyada sidaa daraadeedna looga baahan yahay inay shacabka uga digaan dhibaateynta dadka, kuna dhiirrigeliyaan ka shaqeynta nabadda.

“Khudbooyinka masaajidda aad ka jeedisaan dadka waa ku sheekeystaan, waxaa la idinka doonayaa inaad dadka u sheegtaan dhibaatooyinka ay leedahay in qof rayid ah oo aan waxba galabsan la dilo ama la qarxiyo,” ayuu Tarsan ku yiri culummadii uu la kulmay.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa culummada u sheegay in sababaha ay ugu yeereen ay ka mid yihiin sidii ay arrinta nabadeynta ula qaadi lahaayeen maamulka, maadaama ay shacabku dhageystaan hadallada ay culummadu jeediyaan.

“Waxaan doonaynaa in dadka maskaxadooda ay la tageen kuwa doonaya in dalkan ay nabadda u diidaan aad u sheegtaan dhibaatada ay leedahay inuu qofku is-dilo ama uu dilo qof aan waxba u dhimin, waayo waxaad tihiin kuwo dhaxlay ambiyada, mas’uuliyad ayaana arrintan idinka saaran,” ayuu Tarsan ku daray hadalkiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid uu maamulka gobolka kaga hortagayo in Al-shabaab ay inta lagu jirto bishan barakeysan ee Ramadaan dhibaatooyin ka geystaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii gacanta loogu dhigi lahaa kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya caasimadda, isagoo ka digay in shacabku ay guryaha ku qarsadaan kuwa doonaya inay qaraxyo geystaan.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay marka la gaarobisha Ramadaan inay kordhiyaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada gacnta siinaya ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya