4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Madaxweynayaashii is-magacaabay ee Jubaland oo qaar ka mid ah Maanta laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Saddex ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayay maanta ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM waxay kasoo dajiyeen magaalada Muqdisho, sidoo kalena ciidamada Kenya waxay Muqdisho keeneen dhaawacyada in ka badan 60-qof oo ku dhaawacmay dagaalladii Kismaayo ka dhacay.

Xubnahan Muqdisho la keenay oo laga soo duuliyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa waxay kala yihiin: Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baalleey iyo Cumar Buraale oo ka mid ahaa xubnihii Kismaayo kula dagaalamay maamulka Sheekh Axmed Madoobe.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay in xubnaha ay kasoo duuliyaan ciidamada Kenya magaalada Kismaayo, waxaana wararkaas qaar ka mid ah ay sheegayaan inay shalay isku dhiibeen ciidamadaas, halka kuwo kalena ay sheegayaan in lagu qabtay dagaalkii shalay dhacay oo looga itaal roonaaday ciidamadii taageersanaa.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in xubnahan ay si iskood ah uga dalbadeen ciidamada Kenya inay geeyaan Muqdisho, halka warar kalena ay sheegayaan in ciidamada Kenay ay ku wargeliyeen inay geynayaan magaalada Muqdisho oo kaga ammaan roon Kismaayo.

Lama oga halka ay xubnahan caawa ku sugan yihiin, sidoo kalena dowladda Soomaalia iyo taliska AMISOM kama aysan hadlin weli keenista la keenay magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale aysan xubnahaan u suuro-gelin inay la hadlaan saxaafadda markii Muqdisho la keenay.

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ahaa madaxweynayaashii iskood isku magacaabay ee dagaalka la galay maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay duleedka Kismaayo, isagoo wehliyaan ciidammo ka tirsan kuwii taageersanaa iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa waxay diyaarado kaga soo qaadeen isla maanta dhaawacyo isugu jira ciidamadii labada dhinac ee dagaalladii dhacay ku dhaawacmay iyo dad shacab ah, kuwaasoo qaarkood garoonka Muqdisho looga qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo geeyay isbitaallo ku yaalla Muqdisho, halka kuwo kalena la dhigay isbitaallada AMISOM.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dagaallo culus ku dhexmareen ciidammo kala taageersan madaxweynayaal is-magacaabay kuwaasoo ku loolamayay gacan ku haynta magaalada Kismaayo, inkastoo ay ku itaal roonaadeen dagaalldaas ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya