4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Shirar lagu doonayo in lagu soo Doorto Maamulka Gobolka Bay oo ka Socda Magaalada Baydhabo iyo Murashaxiin ku sugan


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Iyadoo xilliga maamulka gobolka Bay oo lix bilood ahayd uu sii dhammaanyo ayaa waxaa magaalada Baydhabo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday kulammo lagu doonayo in la soo doorto maamulka bedeli doona maamulka xilligiisu sii dhammaanayo.

Maamulka gobolka Bay ayaa waxaa horay u magacowday dowladda Somalia iyadoo xilligiisa uu ku eg-yahay 04-ta bishan Luuliyo, iyadoo maamulkan ay ku eedeynayaan in maamulka uu canshuuro badan ka qaado deegaannada uu kaga sugan yahay gobolka, balse aysan jirin wax uu qabtay.

Guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa haatan Muqdisho ku sugan, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan inuu dowladda ka codsaday in waqti loogu daro xilliga uu maamulkiisu sii shaqeynayo.

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Bay iyo waxgaradka kale ayaa horay uga diiday maamulka hadda jira in xilli dheeraad ah loogu daro lixda bilood ee uu shaqeynayo, iyadoo haddii xilli loogu daro aan la ogeyn sida ay odayaashu u aqbali karaan.

Shirar kala duwan oo waxgaradka gobolka ay yeelanayaan ayaa maalmahan ka socday Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay mas’uuliyiin badan oo dibadda ka yimid qaarkood ay loolan adag ugu jiraan sidii loogu dooran lahaa maamulka maadaama ay odayaashu sheegeen inay si cadaalad ah lagu soo xulayo.

Arrintan la yaabka ku noqotay shacabka ku nool magaalada Baydhabo iyo weliba qaybaha kale ee gobolka ayaa ah in aqoonyahanno tiro badan oo ka yimid dalka dibaddiisa ay kusoo qulqulayaa degmada, kuwaasoo doonaya in loo doorto xilka guddoomiyaha gobolka Bay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidammo ka socda dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Itoobiya ayaa waxay gacanta ku haysaa inta badan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bay oo ay ku jirto Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo