4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo ka digay dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlayay dabbaal-deg loo sameeyay afar sano guuuradii kasoo wareegtay markii loo doortay madaxweynenimada Puntland oo xalay ka dhacday Boosaaso ayaa ka digay in dib u habeyn lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin hadalkii madaxweynuhu uu ku yiri dastuurka hadda jira laguma shaqeyn karo, isagoo sheegay in taasni ay keeni karto isku dhacyo cusub iyo inuu horseedo kala go’.

“Maalintii la xirayay baarlamaanka waxaan maqlay madaxweynaha oo afkiisa ka oranaya dastuurkan lagu dhaqmi karo, waxaana isbedel ku sameynaya xukuumadda iyo baarlamaanka, hadalkaas waa mid aan aad uga xumahay in aan maqlo, waxaana leeyahay yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac dambe la sameyn, sida la idinku doortay loona ansixiyay dastuurka waa in lagu dhaqmo,” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso sameynta maamullada goboleedyada dalka si loo helo maamullo la mid ah Puntland, loogana wada xaajoodo sidii loo wadaagi lahaa khayraadka dabiiciga ah iyo dalqliga gudaha dalka laga helo.

“Waxaan ka suganaa dowladda federaalka Soomaaliya inay sahasho sidii ay dalka uga dhalan lahaayeen maamul goboleedyo. Waxaan ku talinaynaa in canqadaha laga daayo maamullada la dhisayo sida maamulka Jubbaland,  ayna dowladdu gacan ka geysato dhismaha maamul goboleedyada dadkuna ay talada yeeshaan,” ayuu yiri Faroole oo ka hadlay sameynta maamul-goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in la qabto shirar looga hadlayo wax-qaybsiga awoodaha siyaasadeed, daqliga dowaldda iyo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan jeediyay xilli ay xisbiyada ka jira Puntland ay diidan yihiin inuu hal sano oo kale sii hayo talada, halka uu isagu ku adkeysanayo in si sharci ah uu xilka ku hayno tan illaa sannadka 2014.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya