4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo sheegay in Burcadbadeedda ay taageero ka helaan dalal diiddan nabadda Soomaaliya

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dalal kasoo horjeeda nabad ka dhalata Soomaaliya ay taageeraan burcadbdeedda Soomaaliya, kuwaas oo raadinaya inaysan Soomaaliya weligeed xasilin oo aanay deggenaasho ka dhicin.

Mudane Fiqi oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Iiraan FNA Salaasada maanta ah ayaa sidoo kale, sheegay inay macquul tahay in Al-shabaab iyo burcadbadeedda uu ka dhexeeyo xiriir adag.

“Taasi waa macquul… waxaana cad in labadan kooxood ay maal-geliyaan xukuumado iyo kooxo caalami ah, kuwaasoo jeedkoodu yahay inay sii xumaayaan ammaanka Soomaaliya, ayna dhaqaale ka helaan afduubka ay u geystaan maraakiibta ku safraya biyaha Soomaaliya,” ayuu wasiirku u sheegay FNA.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku kordhinayso ciidamada badda Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxaha burcadbadeedda ah oo dhibaato ku haya dalka iyo maraakiibta caalamiga ah.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ka taageerto Soomaaliya dhismaha ciidamada badda si uu u hirgalo qorshaha la doonayo in gobolka oo dhan looga sifeeyo kooxaha burcadbdeedda ah.

C/xakiin Fiqi wuxuu ku ammaanay maraakiibta dagaalka ee dalka Iiraan oo ku sugan xeebaha Soomaaliya inay dagaal adag kula jiraan kooxaha burcad-badeedda ah isagoo yiri: “Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalka ay maraakiibta dagaalka ee Iiraan ku bixinayaan la dagaalanka burcadbadeedda. Waayo Iiraan waa dal muslim ah oo doonaya inay nabad ka dhalato Soomaaliya.”

Maraakiibta dagaalka ee Iiraan oo qayb ka ah howgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaliya ayaa waxay tan iyo bishii November ee sannadkii 2008 ay ku suganaayeen biyaha Soomaaliya.

Eedeynta wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ee ku saabsan in dalal iyo ururro calaami ah ay taageeraan burcadbadeedda Soomaaliya ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo mas’uul Soomaaliyeed uu si cad uga dhawaajiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya