4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo isku afgartay in xilliga Holwgalka Ciidamada AMISOM la kordhiyo

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu gaaray go’aan lagu dalbanayo in la kordhiyo xilliga howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa waxaa ka qayb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul Soomaaliya Soomaaliya, iyadoo dhinac Midowga Afrika ay ka joogeen xubno uu hoggaaminayo Maxamed Anaadiif.

“Waxaa la isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo muddada ay howgalayaan. Heshiiskana waa mid is-afgarad ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay dowladda iyo Midowga Afrika ay ku doonayaan inay si wadajir ah uga dalbadaan Umadaha Midoobay in la kordhiyo xiliga AMISOM, maadaama Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa.

Sidoo kale, ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Anaadiif ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu doonayo in Qaramada Midoobay looga dalbado in muddada howgalka AMISOM la kordhiyo.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti ayaa waxay ka howgalaan lix gobolka oo uu ku jiro gobolka Banaadir oo ah caasimadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegayaa iyadoo xiliga AMISOM oo ku eg-yahay billaha hore ee sannadkan, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay Qaramada Midoobay ka qaadan doonto howgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya oo ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya