4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
C/llaahi Axmed Tarabbi oo loo doortay Guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed


Khamiis, January 03, 2013(HOL): Shirweynihii lixaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Jaziira magaalada Muqdisho, iyadoo shirweynahanna uu ahaa lagu dooranayay hoggaanka sare ee guddiga olombikada Soomaaliyeed.

 

Doorashada oo ku dhacday jawi aad u deggan ayaa waxaa ka qeybgalay oo goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, kuwaasi oo hadallo furitaan ah ka jeediyay shirweynaha lagu dooranayay guddoonka GOS.

 

Guddoomiyayaasha Xiriirrada Dalka, Mas’uuliyiin ka socday 5 zone iyo Ururrada Isboortiga ayaa doortay madaxda GOS, waxaanay guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed u doorteen C/llaahi Axmed Tarabbi, halka ku xigeenka koowaad ay u doorteen Axmed Cabdi Xasan Wataac, ku xigeenka labaadna Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), halka ku xigeenka 3aadna ay u doorteen Ibraahim Abuukar Shaamow. Xoghayaha guud ee GOS ayay isna u doorteen Duraan Axmed Faarax.


Ma jirin cid la tartantay musharrixiin isu soo taagay hoggaanka sare ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed, kuwaasi oo xubnihii wax dooranayay ay si aqlabiyad leh ku doorteen. Madaxda Isboorti ee shirweynahan lagu doortay ayaa u mahadceliyay xubnihii doortay, waxayna ballanqaadeen in ay ka soo dhalaali doonaan xilalka loo doortay.

 

Waxaa xusid mudan in intii aysan doorashada billaaban in shirweynaha lagu soo bandhigay waxqabadkii GOS ee sanadkii tegay 2012, sidoo kale waxaa lagu soo  kordhiyay dastuurka qodobo cusub oo ay guddigu ansixiyeen. Iyadoo Xiriirada dhankooda  ay soo bandhigeen waxqabadkooda . Intaas ka dib ayaa waxaa la doortay Guddiga doorashada oo soo bandhigay musharaxiinta  u tartamayay Xilalka  sidaasna cod loogu qaaday.

 


Khubaddii xiritaanka Shirweynahan  waxaa ka soo jeediyay Wasiir ku xigeenka wsaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Wasiiru-dowlaha wasaaradaasi Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Maxamuud Ismaaciil Barkhadle  oo ka dhawaajiyey inay soo dhaweynayaan doorashada sida habsamida ku dhacday, waxayna xuseen in GOS howlahooda ay madax-bannaan tahay isla markaana ay muhiim tahay inay kaashato Wasaaradda isboortiga.  Dhinaca kalena waxay ka dhawaajiyeen inay Guddoonka  cusub  ee GOS iyo Xiriirradaba  iskaashi  yeelan doonaan isla markaana ka wada shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa geedi-socodka horumarinta Isboortiga dalka.


Ugu dambeyntiina, doorashadan ayaa waxay dhaceysaa iyadoo guddoomiyihii hore ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish uu ku geeriyooday qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Tiyaatarkii Qaranka, waxaana sidoo kale halkaas ku geeriyooday guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaambe) iyo dad kale oo aan waxba galabsan.

XUBNAHA GUDDIGA FULINTA GOS  

 

1.    Maxamed  Axmed Coloow

2.    Faadumo Cali  Nuur

3.    Ibraahim Xuseen  Cali [Roombo]

4.    Khadiijo Aadan Daahir

5.    Cali saciid Guuleed

6.    Abuukar isloow xasan

7.    Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow}

8.    Prof.  Maxamed Cali  Maxamed

9.    Cumar C/qaadir  Baarajab

10. C/Casiis Goodax Barre

11. Prof. Yuusuf Calasoow Maxamed

12. Xasan Axmed Barre









Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya