4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaatay Madaxweynaha Suudaan

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay ee ku sugnaa dalka Sudan ayaa kulan la qaatay madaxweeynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xassan Al-bashiir oo ay wehlinayeen xubno katirsan golihiisa wasiirada.

Madaxweeynaha ayaa kulanka uu la qaatay dhigiisa dalka Sudan waxa ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dalka iyo weliba sidii sare loogu qaadi lahaa.

Madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud oo ka hadlay kulankii uu la qaatay madaxweeynaha dalka Sudan ayaa uga mahadceliyay dowladda Sudan iyo shacabkeeda sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen, isagoona sidoo kale ugu hambalyeeyay dowladda Sudan horumarka baaxadda leh ee ay ku talaabsatay.

Kulanka markii uu soo dhamaaday kadib ayaa labada madaxweeyne waxa ay si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyeen kulankooda iyo waxyaalihii ay uga wada hadleen, iyadoona ay sheegeen in kulankooda ay uga wada hadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo weliba sidii loo xoojin lahaa.

Dhinaca kale madaxweeynaha ayaa kulan la qaatay qaar katirsan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Sudan, isagoona ku dhiirigeliyay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan islamarkaasina ay yihiin ardeydii uu dalka sugayay.

Madaxweeynaha ayaa uga baaqay ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Sudan in ay ka foojignaadaan tahriibta oo ay ku dhamaadaan badda iyo dhulka lama dagaanka ah, isagoona kula dardaarmay in marka ay waxbartaan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda isalamarkaasina ay aqoontooda uga faa'iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweeynaha ayaa ugu danbeyn ugu baaqay ardeyda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan sharciyada dalka Sudan iyaga oo dhowraya sharaftooda iyo tan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa mudooyinkii u danbeeyay safarro ku bixinayay qaar kamid ah wadamada ku yaal Geeska Afrika, iyadoona uu madaxweeynuhu hore u booqday wadamo ay kamid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya