4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Wasiirka Ammaanka Puntland oo sheegay inay la dagaalamayaan Xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Puntland

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirka Amniga Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka sheegay kulan uu kaga qaybgalay magaalada Boosaaso inay wadaan qorshe ay kula dagaalamayaan Al-shabaab oo uu sheegay inay kusoo jabeen kaddib markii looga adkaaday Koonfurta Soomaaliya.

Col. Khaliif Mudana ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay khatar ku hayso Puntland, isagoo xusay inay diyaariyeen ciidammo weerarro ku qaada buuraleyda Galgala oo ay Al-shabaab ka dhigatay saldhigyo waaweyn.

“Puntland waxay u diyaar-garowday dagaal ay la gasho Al-shabaab si looga hortago khatarta ay la damacsan yihiin maamulka iyo shacabka ku nool deegaannada Puntland ay ka taliso,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Kulanka uu wasiirku ka hadlay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha ciidamada ammaanka iyo oday dhaqameedyada Boosaaso, waxaana inta badan kulanka looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu u digay siyaasiyiin uu sheegay  inay Puntland ka wada ololayaal ay ku carqaladeynayaan ammaanka, isaggoo sheegay inay kuwaas ka hortagayaan laamaha ammaanka Puntland, isagoo shacabka iyo maamullada deegaannada Puntland ka dalbaday dhankooda inay gacan ka geystaan sidii looga hortegi lahaa.

Dhawaanahan ayaa waxaa Puntland ka jiray muran ku saabsan in maamulka xilka haya uu doonayo inuu muddo hal sano ah ku kororsado xilligii loo doortay inuu xilka hayo, inkastoo madaxweynaha Puntland uu arrintaas iska fogeeyay kuna tilmaamay mid aanay waxka ka jirin.

Ugu dambeyn, wasiirka ammaanka Puntland wuxuu sheegay inaan cidna lagala tashan doonin ammaanka Puntland, ciddii loo arko inay khatar ku tahayna ay gacan bir ah ku qaban doonaan ciidamada ammaanka Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya