Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Jan 2 , 2013
Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa ku eedeysay askar horay uga tirsanaan jiray ciidamada dowladda Soomaaliya inay ka dambeeyaan falaka ammaan-darro ee ka taagan degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa, Maxamed Macallin ayaa sheegay in rabshadahaas ay ka dambeeyaan dhallinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada dowladda Soomaaliya tababarrana ku qaatay Kenya inay mas'uul ka yihiin falalka ammaan-xumo ee ka dhacaya Gaarisa oo ah xarunta gobolka Soomaalida-Kenya degaan.
"Ciidcamadaan waxay tababarro ku qaateen gudaha Kenya si ay qayb uga qaataan dadaallo ay dowladda Kenya ku doonaysay inay ku taageerto dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, kuwaasoo lagula dagaalamayay Al-shabaab," ayuu yiri Macallin oo la hadlayay wargeyska The Daily Nation.
Sidoo kale, Macallin wuxuu sheegay in dhalliyaradaas ay ku adkaatay inay sii dagaalamaan ayna dib ugu laabteen Kenya iyagoo hubaysan, isagoo xusay inay dhallinyaradaas qabaan tababarro heer sare ah ayna iyagu yihiin kuwa ka dambeeya dhibaatada Gaarisa ka taagan.
Magaalada Gaarisa ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka dhacayay rabshado ay ka mid yihiin qaraxyo, weerarro iyo toogasho toos ah oo lala beegsanayo ciidamada iyo kaniisadaha ku yaalla magaalada gaarisa, waxaana dhammaadkii sannadii hore lagu dilay magaaladaas 11 askari oo sideed ka mid ah ay ahaayeen booliis iyo saddex ka mid ahaa milateriga Kenya.
Saraakiisha ciidamada dalka Kenya ayaa ku eedeeyay weerarradii ka dhacay dalka Kenya sida degmada Gaarisa iyo Nairobi inay ka dambeysay Al-shabaab, laakiinse hadalka guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa taas meesha ka saaraya.
Xarakada Al-shabaab ayaan marna qiran inay mas'uul ka tahay weerarro ka dhacay Gaarisa iyo deegaanada kale ee dalka Kenya, balse iskama fogeyn, waxaana Kenya gudaha Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale
1/2/2013 11:51 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin lacago ay dowladda Suudaan u daabacday Soomaaliya iyo arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada.
Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo
1/2/2013 11:17 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyeyna booqasho ku marayey qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland, ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho
1/2/2013 11:14 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda oo ah xisbi mucaarad ah ayaa maanta ku qabtay Muqdisho kulan ay ka qayb-galeen xildihbaanno ka tirsan baalamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-galeen kulankaas madaxda xisbiyada kale ee dalka ka jira.
Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
1/2/2013 7:51 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed ee gudaha ku sugan iyo Qurbo-joogta Soomaalida ah ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan dib u dhiska golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho (National Theater).
Qof lagu dilay Suuqa Dharka ee Kismaayo iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada oo lagu Amray inay halkaas ka guuraan
1/2/2013 7:44 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Qof rayid ah ayaa maanta lagu dilay suuqa weyn ee balcadka gaar ahaan nawaaxiga dahablaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoona aan ilaa imika aan la garanayn cidda ka danbeeysay dilkaasi.
Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay
1/2/2013 7:32 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo xubno golihiisa wasiiradda ah, ayaa saaka booqday askartii shalay dhaawacu ka soo gaadhay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa.
Maxkamad ku taalla Itoobiya oo la horgeeyay Toban ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab
1/2/2013 7:29 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa la horgeeyay 10-qof oo loo haysto argagaxisonimo iyo inay xiriir dhowr la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed
1/2/2013 7:21 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Hay'adda wadaniga ah ee Horn for Relief and Development (HRD) oo kaashanaysa haya'daha ILO iyo IIDA ayaa Muqdisho ku qabtay maanta oo Arbaco ah dood-wadaag ku saabsan horumarinta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, iyadoo doodda goob-joog ka ahaayeen xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
1/2/2013 6:23 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta iska fogeeyay in ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu ka tirsanaa shaqaalahooda, iyadoo maamulku uu sheegay in ruuxaas uu ka mid ahaa darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
1/2/2013 6:02 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo halkaas kulammo kula leh mas'uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.
Tirada iyo Dhaqaalaha Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo Korortay 12-kii sano ee lasoo dhaafay
1/2/2013 12:09 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay laba jibaarmeen 12-kii sano ee lasoo dhaafay, sida ay shaacisay hay’ad lagu magacaabo Minnesota 2020 oo baaritaan ku sameysay tirada iyo dhaqaalaha Soomaalida ku nool gobolkaas.
Somali News
Somali government seeks to reclaim overseas assets
-
Sabahi
1/2/2013 5:31 PM EST
The Somali government is working on a plan to recover assets frozen by foreign governments and organisations since the collapse of the central government in 1991.
Emergence of new threats spur security sector growth
-
Standard
1/2/2013 5:30 PM EST
Kenya is projected to add about 15,000 security guards this year owing to rising demand for the personnel amidst increased private sector investment and the emergence of new risks.
Alleged militants detained in Djibouti charged by U.S. court
-
Reuters
1/2/2013 5:27 PM EST
In a sign of evolving U.S. legal tactics in counter-terrorism operations, two Swedish citizens and a former British citizen detained in Africa in August have been charged in a U.S. court with supporting Somali-based Islamist militants.
New terrorism control measures under the spotlight
-
Spectator
1/2/2013 5:26 PM EST
It has not been a very happy start to the new year for Theresa May, who will have to answer difficult questions in the Commons about the disappearance of a terrorism suspect. Ibrahim Magog has been on the run since Christmas eve when police first realised he had failed to meet the conditions of his overnight residence requirements.
Door Mat, Not Welcome Mat: Immigrants Tell of Re-Entry Hurdles
-
AFN
1/2/2013 4:51 PM EST
Nearly two years after the termination of the controversial NSEERS program (for National Security Entry-Exit Registration System) (http://www.dhs.gov/dhs-removes-designated-countries-nseers-registration-may-2011) many immigrants continue to face barriers at U.S. ports
INTERVIEW: Somali Journalists Still On the Edge
-
Daily Trust
1/2/2013 12:06 PM EST
About 20 journalists were killed in Somalia last year with most of the killers yet to be identified. A number of people who work in the media in Somalia migrate to neighbouring countries for fear of assassination.Mohammed Gawani, a Somali journalist living in Kenya recently attended an investigative journalism course in South Africa. In this interview with Daily Trust
Minneapolis, Columbus seek to hire Somalis in public safety
-
Columbus Dispatch
1/2/2013 11:51 AM EST
About 35 young men showed up at a meeting in Minneapolis last week to find out how to join the city’s fire department. They were all from the local Somali community, which is the nation’s largest....
Kenyan Airways flight makes emergency landing in Sudan
-
Reuters
1/2/2013 2:58 AM EST
A Kenyan Airways plane with 56 passengers on board made an emergency landing in the Sudanese capital, Khartoum, after an engine caught fire, witnesses said on Wednesday.
Garissa thrives despite insecurity fears
-
Daily Nation
1/2/2013 2:25 AM EST
Everybody you speak to in Garissa knows Mohamud Ali Saleh. He was posted to Garissa as the Provincial Police Commissioner in 2001...
Renditions continue under Obama, despite due-process concerns
-
WPost
1/2/2013 2:19 AM EST
The three European men with Somali roots were arrested on a murky pretext in August as they passed through the small African country of Djibouti. But the reason soon became clear when they were visited in their jail cells by a succession of American interrogators.