4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo loogu talo-galay in lagu tababaro shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyasaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax iyo saraakiil ka tirsan dowlada oo ay ka mid ahaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha booliska Soomaaliya, Jen. Shariif Shiikhunaa Maye, taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, safiirka dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa, dublamaasiyiin shisheeye ah iyo saraakiil ka tirsan hay’adda IOM.

Dhismahan oo ka kooban dhowr qaybood ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Japan iyo ha’yadda duulimaadyada caalamiga ah ee IOM; sida uu sheegay taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Gaafow oo munaasabadaas ka hadlay.

“Dhismahaan cusub wuxuu ka kooban yahay qaybo ay ka mid yihiin meelo loogu talo-galay inay ku nastaan shaqaalaha laanta socdaalka ayna sidoo kale ku nastaan ayna shaqaaluhu isku bedelaa, sidoo kale waxaa jirta qayb loogu talo-galay in aqoonta shaqaalaha waaxda socdaalka sare loogu qaado,” ayuu yiri Jen. Gaafow oo intaa ku daray in dhaqaale badan uu ku baxay dhismaha xarunta cusub.


Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka hadlay safiirka Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa oo sheegay in dowladdiisa ay weligeed garab taagneyd Soomaaliya ayna sii xoojin doonaan taageerada ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo amaanay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Guuleed oo xariga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Japan iyo weliba hay’adaha gacanta ka geystay hirgelinta dhismahan oo uu ku tilmaamay mid wax badan ka bedeli kara habsami u socodka howlaha hoggaanka socdaalka iyo jinsdiyasada Soomaaliya.

“Dowlada Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa inay dalka ka abuurayso jawi nabadeed oo dalku uu galo si dowladaha caalamka ee Soomaaliya saaxiibka la ah ay ugu soo dhiirradaan inay nagala qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo inay gacan naga siiyaan hirgelinta mashaariicdan oo kale oo baahi weyn loo qab,o” ayuu wasiirku ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda.


Madaxdii ka qayb-gashay munaasabaddaas ayaa kusoo wareegay dhismaha cusub iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waxayna u kuur-galeen qalabka yaalla iyo xafiisyada loo sameeyay; waxayna warbixinno ku saabsan habka ay ku shaqeynayso xaruntan cusub ka dhageysteen howl-wadeenada dhismahaas.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya