Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Jan 13, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Boosaso kulan kula yeeshay Ururada Dhallinyarada ee Gobolka Bari
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kulan kula qaatay xubno ka socdey ururada dhalinyarada ee gobolka Bari.
Kullanka oo ahaa mid in muddo ah qaatay waxaa waxyaabihii ugu waaweynaa ee looga wada hadlay kamid ahaa: xoojinta ammaanka iyo dar-dar gelinnta geedi socodka dimuqraadiyadda ee Puntland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay dowladdu taageero fiican ka hesho.
Wuxuuna intaas raaciyey in nidaamka axsaabtu uusan marna hirgeli karin hadii la waayo kaalinta dhalinyarada: "Sanadkani waa sanadkii dhalinyarada, howsha hadda socota ee geedi socodka dimuqraadiyadda iyo hanaanka axsaabta badan waa lagama maarmaan in ay dhalinyaradu ka qayb qaataan, si taabbo gal looga dhigo"
Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu u ballan qaaday da'yarta Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari in dowladdu ay sanadkan qorsheysay sidii dhalinyarada shaqooyin badan loogu abuuri lahaa, iyadoo ay jiraan tobanaan shaqo oo ay xiligan dowladdu soo bandhigtay.
Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo isna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sugidda ammaanka iyo doorka ay dhalinyaradu ku yeelan karaan.
Wuxuuna tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xubin firfircoon oo bulshada ka mid ah, sidaas darteedna ay tahay in kartidooda looga faa'iideysto dhinaca wanaagsan, si uu dalku horumar dhan walba ah u gaaro.
Madaxwenaha Puntland oo weli ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay kulammo la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya
Post your comments
Saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Somalia oo sheegay inuu dhintay Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al-shabaab
1/13/2013 12:13 PM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay Al-shabaab faduubka ku haysay muddada ka badan saddexda sano lagu dilay howgalkii fashilmay ee la doonayay in lagu furto.
Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
1/13/2013 11:37 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo loogu talo-galay in lagu tababaro shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyasaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer
1/13/2013 8:13 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii fashilmay ee ay ciidamada Faransiisku ka geysteen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay sii dayso Wariye iyo laba qof oo u xiran
1/13/2013 7:57 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si dhaqso ah u sii dayso wariye iyo laba qof oo u xiran, kuwaasoo lala xiriirinayo kufsi ay ciidamada dowladdu u geysteen haweeney rayid ah. Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, isagoo xabsiga ku jira tan iyo 10-kii bishan iyadoo aan wax su’aalo la weydiin.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka
1/13/2013 7:30 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.
Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Xarumo Ganacsi
1/13/2013 7:17 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir oo gacan ka helaya booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa burburiyay maanta goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ku yaalla meelo sharci-darro ah.
Dowladda France oo sheegtay in ay Adkeyneyso Ammaanka Dalkeeda
1/13/2013 7:06 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) —Francois Hollande oo ah madaxweeynaha dalka France ayaa sheegay in dowladiisu ay siweyn u adkeyn doonto ammaanka dalka,kadib howlgallo ay ciidamada France ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.
Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti
1/13/2013 6:55 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii Baankiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay lagu aasay magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti ka dib markii laga keenay Cisbitaal ku yaala magaaladda Nairobi oo uu ku geeriyooday.
Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya
1/13/2013 6:44 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.
Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto
1/13/2013 2:23 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku adkeysanaysa inay weli gacanta ku hayso la haystihii Farnasiiska ahaa ee u afduubnaa Dennis Allex oo nool, kaddib markii ay ciidamada Faransiiska ee sida gaarka u tababaran ay ku fashilmeen inay xoog ku furtaan.
Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]
1/13/2013 2:21 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasibado is-barbar socda oo lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamul-goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa ka socda degaano kala duwan oo ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka taliyo.
Somali News
Muslim group endorses Cord
-
Daily Nation
1/13/2013 5:17 AM EST
The Muslim Leaders Forum on Sunday re-endorsed Coalition for Reform and Democracy (Cord) led by Prime Minister Raila Odinga and Vice President Kalonzo Musyoka.
URP aspirants up their game in Mandera
-
Standard Digital
1/13/2013 5:11 AM EST
URP aspirants in Mandera County are hoping to win votes on the premise of accountable and sound management of local resources.
Cord, Jubilee set sights on North Eastern
-
Standard Digital
1/13/2013 5:06 AM EST
Despite its small number of registered voters, North Eastern Province is turning out to be a major political battleground for the two frontrunners in the forthcoming elections — the Coalition for Reform and Democracy (CORD) and Jubilee.
Somalia: A failed state is back from the dead
-
The Independent
1/13/2013 4:45 AM EST
Eighteen months ago, central Mogadishu was like an African Stalingrad. The heat may have been equatorial but everything else seemed strangely familiar: a dirty cat-and-mouse war, often fought hand to hand among the spectacularly bombed-out ruins of a once-thriving city centre.
New novel highlights Lewiston's Somali story
-
Sun Journal
1/13/2013 4:40 AM EST
LEWISTON — Maria Padian was in the audience 10 years ago when thousands of people gathered to support Somali families and to denounce the white supremacist group that had gathered across town.
France raises domestic terror threat level after military strikes in Mali, Somalia
-
AP
1/13/2013 4:37 AM EST
PARIS - The French president says the country will raise its domestic terror threat level after military action in Mali and Somalia, promising to increase protection at public buildings and transportation networks.
Somalia: Free Journalist, Others Linked to Rape Allegation
-
Human Rights Watch
1/13/2013 4:34 AM EST
(Nairobi) – The Somali authorities should release a journalist and two other people linked to a woman who alleged being raped by state security forces. Police in Mogadishu have detained freelance journalist Abdiaziz Abdinur Ibrahim without charge for prolonged interrogations since January 10, 2013.