4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2013
Ra'iisul Wasaare Saacid oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumaddiisa iyo Howlaha ay doonayaan inay qabtaan

Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa ku faahfaahiyay waxqabadka xukuumaddiisa oo dhisan muddo 55 maalmood ah, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray midnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha Qaranka, sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xukuumaddiisa.

“Maanta waa maalintii 55-aad ee xukuumadda Isbedel-doonka ah ee Soomaaliya ka dhalatay, baarlamaankuna uu ansixiyay November 16, 2012, xubnaheeda iyo barnaamijkeeda waxqabadka,” ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid. “Maanta waxaan mareynaa kala bar 100-kii casho ee ugu horreysay xukuumadda, waxaana doonaynaa inaan caddeeyo himilada xukuumadda isbedel-doonka ah."

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale shirkiisa jaraa'id ku sheegay in ummadda Soomaaliyeed uu u caddeynayo inaan ka hor-tagnay wixii dowladihii hore curyaamin jiray.

"Dowladihii hore waxay ku fashilmeen khilaafaadyo soo dhex-geli jiray hay’adaha ugu sarreeya dowladda sida madaxtooyada, xukuumadda iyo baarlamaanka, wayna ku guuleysan waayeen inay howlihii horyaallay qabtaan, sidaa daraadeed waxaan xoogga saarnay midnimada iyo wada-shaqeynta saddexdan hay’addood ee dalka ugu sarreeya, waxaana u shaqeynaa sida ugu wanaagsan ee ugu quruxda badan si ay u hir-galaan howlihii ka dayacmay dowladihii hore,” ayuu yiri Saacid.

Waxqabadka iyo dhaqanka xukuumadda:

Soo-celinta dawladnimada waxaa saldhig u ah u adeegga shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed xukuumaddeydu waxay xoogga saartay 100-ka maalmood ee ugu horreeya inay muujiso inaan shacabka u adeegno. Waxaan goostay inaanan ka bixin dalka gudihiisa xilligaas. waxaan doonaynaa in marka hore aan kasbanno kalsoonida shacabka oo aan ku dadaalno waxqabadka iyo baahinta adeegga dowladda innagoo ku tashanayna awoodeenna, marka aad taas muujiso ayaan heli doonnaa taageerada caalamkuna.
Xiriirka Caalamka iyo Dalalka Deriska:

Xiriirka aynu la leenahay caalamka iyo dalalka deriska ah ma jiro maanta maalin uu ka wanaagsan yahay. maalin kasta wey noo yimaadaan, waanan u tagnaa waxaanan u wada-shaqeynaa si aad u dhow. Isagoo yiri: “Waxaa arrintaas tusaale u ah booqashooyinkii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalalka  calaamka iyo kuwa dariska qaarkood si wanaagsanna loogu soo dhaweeyay. Haatana wuxuu booqasho ku tegi doonaa dalka Mareykanka oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.”

Dhanka Ammaanka:

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay amniga gudaha ayaa yiri:“Amniga dalka ma ahan in madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka iyo ra'iisul wasaaraha lagu qaado gaadiid gaashaaman, balse sugidda ammaanka ee muhiimadda inoo leh waa midka dadweynaha.” Wuxuuna intaas ku daray: “Isbaarooyinkii ka badnaa 60-ka maanta hal kama yaallo, waana siyaasadda sugidda amniga dadweynaha iyo xasiloonida il gaar ah ayaan ku hayneynaa, intii yareyd ee aanu jirnayna in ka badan toddoba milyan oo doollar ayaan u qorsheynay inaan ku sugno ammaanka dadweynaha, iyadoo laga war-qabo tabarta dowladda, runtiina wey ku yar tahay, sababtoo ah ammaanka dadka waa muhiimadeena koowaad.”

Burcadbadeedda iyo Al-shabaab:

Ra’iisl wasaare Saacid wuxuu yiri mar uu ka hadlayay Al-shabaab: “Wey naga go’an tahay inaan la dagaalanno argagixisada hubeysan, waana baabi’ineynaa, waanan ka sifeyneynaa dalka si shacabkeennu uu ammaan u helo, caalamkuna uga ammaan helo. Bal eega inta fashil ku dhacday argagixisada, qaraxyadii ay ka fulin jireen maalin kasta dalka waa la xakameeyey oo inta la fashiliyay ayaa ka badan inta ay fuliyaan.”
Sidoo kale isagoo ka hadlaya burcadbadeedda ayuu yiri: “Bal eega sida ay hoos ugu dhacday afduubyadii ay burcad-badeeddu geysan jireen. Taasina waxay ku timid dadaalka la geliyay, markii horena dhaqanka Soomaalida ka mid ma ahayn burcadbadeednimo iyo jid-gooyo.”

“Miiskaan aan fadhiyo waxaan ku qaabilay saddex ruux oo ajaanib ah oo muddo labo sano ka badan ay afduub u heysteen burcadbadeeda, waxaana idiin cadeynayaa inaan khasab loosoo furan, waxay ku qanceen wadahadalladii dowladdu la sameysay iyadoo aan wax lacag ah ama madax-furasho ah la siin, waxaanu sugeynaa inta kale ee harsan dhamaantood in lasii daayo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra'iisul wasaaraha Soomalaiya ayaa sheegay inay ballanqaadayaan inay ka shaqeynayaan sidii dhallinyaradaas burcadbadeedda ah ay noloshooda wax uga bedeli lahaayeen oo ay u horumarin lahaayeen noloshooda.
Sidoo kale mar uu ka hadlay tacdiyada loo geysto wariyeyaasha ayuu yiri: “Waxaan aad ugu faraxsannahay inay hoos u dhacday dilkii loo gysan jiray wariyeyaasha intii ay xukuumadani jirtay, taasina waxay ku timid dadaalka lagu bixiyay sugidda amniga. Ma ogolaan doono in la dhibaateeyo u adeegayaasha saxaafada, waxaana ka difaacaynaa caddowga dilaya ee oranaya maxaad wax nooga sheegeysaan, waxaanse idin kula dar-daarmayaa inaad qalinkiina iyo codkiina ku taageertaan isbedelka, nabadda iyo dowladnimada".

Gobollada iyo Maamulada dalka:

“Dhanka Jubbaland beryahaan dambe waxaa ka jira xasarado, wayna caddahay siyaasada ay xukuumaddu ku wajahayso, wax la qarinayo ma ahan. Waxaana ka rabnaa in qaybaha qolyaha kasoo horjeeda ay ku harsan yihiin laga saaro, markaas kaddibna dadka dhulkaasi ku nool ay sameystaan maamulladooda, balse waa inay dowladdu yeelato hoggaaminta dhismaha maamulkaas, waana in la waafajiyaa dastuurka qodobbadaas ayaana saldhig u ah dhismaha maamulka Jubbooyinka,” ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid oo xusay in arrintaasi ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan deegaannadaas, dalalka deriska ah iyo caalamkana ku taageersan yihiin.

Maamullada Somaliland, Puntland iyo Galmudug:

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka xukuumaddiisa kala dhexeeya maamullada Somaliland, Puntland iyo Galmudug, isagoo sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya, wuxuuna hambalyo u diray mas'uuliyiinta maamulladaas, isagoo u rajeeyey horumar. Wuxuu xusay inay dhawaan dib u furmi doonaan wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in wadahadaladani ay kasoo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo intaas ku daray inay wax lagu taamo tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda.

Shirkan jaraa'id ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ee uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya qabto tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii November ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya